Dagaalka Ganacsiga ee Shiinaha iyo Mareykanka oo sii xoogaysanaya

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Madaxwayne Donald Trump ayaa ku amray saraakiisha dalkaasi in ay ka baaraandagaan canshuur dheeraad ah oo dhan $100 bilyan waxyaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha ee Mareykanka la keeno.

Arrintan ayaa sii xoojinaysa ismariwaaga dhanka ganacsiga ee labada dal u dhaxeeya.

Waxaa horey Mareykanka ay ugu soo rogeen canshuur boqollaal waxyaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha taasi oo ku kacaysay lacag dhan $50 bilyan.

Shiinaha ayaa ku hanjabay tillaabo aargoos ah iyaga oo sheegay in ay canshuur ku soo rogi doonaan 106 ah waxyaabaha mareykanka laga soo dhoofiyo.

Tillaabooyiinkan aargoosiga ah ayaa keenay in suuqyada caalamka ay saamayso toddobaadyadii aanu soo dhaafnay.

Dadka lafagura dhaqaalaha ayaa waxa ay shegeen in dagaal buux oo dhanka ganacsiga ah oo ka dhex qarxa Shiinaha iyo Mareykanka uusan u wanaagsanayn dhaqaalaha iyo suuqyada caalamka.

Waxaa khubaradani ay ku baaqayaan in ay muhim tahay wadaxaajood arrintan laga galo.

Balse suuqyada wadamada Eeshiya maanta oo Jimcaha ah maalgashadayaasha ma aysan muujin wax walaac ah tillaabooyiinkan ugu dambeeyay, islamarkana cabsida dagaalka ganacsiga uu yahay mid la buunbuuniyay.

Sidee ku billaabatay arrintan.

Horraantii sanadkan, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in birta loo soo dhoofiyo Mareykanka lagu soo rogi doono canshuur dheeraad ah oo dhan 25% halka Naxaasta lagu soo rogayo canshuur dhan 10%.

Arrintan ayaa waxa ay inta badan saamayn ku yeelatay Shiinaha.

Trump: Shiinaha iyo Ruushka ayaa tartan kula jira Mareykanka

Weeraro dhanka Internet-ka ah oo dunida ku baahay

Rex Tillerson oo dhaleeceeyay xiriirka Afrika iyo Shiinaha

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hilibka Doofaarka ayaa ka mid ah waxyaabaha ay saamaysay canshuurta ay Shiinaha soo rogeen

Shiinaha oo bishan ka jawaabay islamarkana qaaday tillaabo aargoos ah ayaa waxa ay sheegeen in canshuuro dheeraad ah ay ku soo rogayaan waxyaabaha Mareykanka laga soo dhoofiyo oo ay ka mid yihiin Khamriga iyo Hilibka Doofaarka.

Canshuurta ay ku hanjabeen in Shiinaha ay soo rogayaan ayaa guud ahaan dhan 3 bilyan oo doolar.

Mowduucyada la xiriira