Isku dhacyo maanta mar kale ka qarxay Qaza

Falastiiniyiinta ayaa gubaya Taayaro Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Falastiiniyiinta ayaa gubaya Taayaro

Isku dhacyada u dhaxeeya dibadbaxayaasha Flastiiniyiinta iyo ciidammada Israa'iil ayaa mar kale maanta ka qarxay xuduudda Qaza ee Israa'iil.

Isku dhacyadan ayaa imaanaya toddobaad ka dib markii isku dhacyo kuwan la mid ah ay ku dhinteen 16 qof.

Militariga Israa,iil ayaa waxa ay sheegeen in saddex qof ay ka toogteen lugaha ka dib markii dibadbaxayaasha ay gubeen Taayaro ayna ciidamada ku tureen dhagxaan.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in qaxootiga loo ogolaado in ay dib ugu laabtaan dhulkii ay asalka u lahaayeen oo imika ay Israa'iil haysato.

Balse Israa'iil ayaa dhankooda sheegaya in kooxda Xamas oo haysta Qaza ay dhigayaan dibadbax si ay weeraro halkaasi uga soo qaadaan.

Xukuumadda Israa'iil ayaa ka digtay in amarkii ahaa in ay askarta risaas furan uusan waxba iska badalin.

  1. Dibadbaxyo ballaaran oo maanta lagu wado in ay Qaza ka dhacaan
  2. Shaneemo 30 sano ka hor la xiray oo Qaza xalay dib looga furay
  3. Masuul Faransiis ah oo si qarsoodi ah hub uga qaaday Qaza

Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil , Avigdor Lieberman, ayaa ka digay in qof waliba oo ku soo dhawaada darbiga xudduuda uu naftiisa halis galinayo.

Arrintan ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Kooxda Xamas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ayaa waxa ay abaabuleen 6 toddobaad oo dibadbax ah.

Mowduucyada la xiriira