Basaaskii ruushka ahaa ee la sumeeyay oo xaaladiisa ay ka soo reyneyso

Sergei Skripal iyo gabadhiisa Lahaanshaha sawirka .
Image caption Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia

Sergei Skripal oo horey uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay imika ka soo reynayso.

Ninkani iyo gabadhiisa oo la sheegay in la sumeeyay ayaa waxa ay dhakhaatiirta sheegeen in xaaladdiisa aysan imika halis ku jirin.

Shaqaalaha isbataalka degmada Salisbury ayaa waxa ay intaa ku dareen in Mr Skripal uu xanuunka ka soo roonaanayo "uuna si dhaqso ah u soo kabanayo".

Mr Skripal, oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir , ayaa isbataalka ku jiray in ka badan bilk a dib markii laga helay Salisbury iyaga oo miir daboolmay.

Waxaa la sheegay in sumayntooda loo isticmaalay Sunta waxyeelaysa Neerfaha.

  1. Britain oo koobka adduunka ee Ruushka ka dhici doona dhaliilsan
  2. Wasiir amray in lugaha laga jabiyo kuwa daroogada gada
  3. Mareykanka, Jarmalka iyo Faransiiska oo Ruushka cambaareeyay

Dowladda UK ayaa ku eedeeysay Ruushka in ay ka dambeeyeen weerarkaas lagu sumeeyay Mr Skripal iyo gabadhiisa .

Balse dowladda Ruushka ayaa beenisay eedeeynya ay u soo jeedisay dowladda Britain.

Dhacdadan ayaa waxa ay hurisay xasarad dublamaasiyadeed.

Dublamaasiyiintii Ruushka ee joogay Britain ayaa la ceyriyay halka Ruushka ay ceyriyeen dublamaasiyiintii UK.

Waxaa sidoo kale dublamaasiyiinta Ruushka laga ceyriyay dhowr labaatan dal oo ah kuwa reer galbeedka.

Mowduucyada la xiriira