Umulisooyin wareegga oo adeeg caafimaad u fidiya haweenka miyiga ku nool ee Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Umulisooyin wareegga oo adeeg caafimaad u fidiya haweenka miyiga ku nool ee Puntland

Maanta o o kale toddobada April ayaa waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caafimaadka Adduunka. Sanadkan oo ah kii 70-aad ee maalintan la xusayo ayaa hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay ku tirtirsiyeysaa hoggaamiyeyaasha dunida inay ku dadaalaan sidii qof walba u heli lahaa adeeg caafimaad.

Haddaba, Puntland waxaa ka jira umulisooyin wareega oo adeeg caafimaad u fidiya haweenka miyiga ku nool gaar ahaan kuwa uurka leh ee aan gaadhi karin magaalooyinka, umulisooyinkaa waxaa ka mid ah Dr.Xabiiba Nuux Ismaaciil, muhiimadda adeegyada ay fidiyaan iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysta haweenka miyiga ku nool ayey uga warrantay Axmed Cawil Jaamac.