Afghanistan: Sarkaal sare oo ka tirsan daacish ayaanu dilnay

Ciidamada Afghanistan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Afghanistan

Ciidamada gaashaandhigga Afghanistan ayaa sheegay inay duqeymo cirka ah ku dileen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ah.

Qari Hekmat, oo ka tirsanaa madaxda laamaha kooxda Daacish ee Afghanistan, ayaa Jimcihii lagu dilay gobolka Jawzjan.

Qari Hekmat ayaa sanad kahor ka soo goostay Taliban isagoo u soo wareegay Daacish.

Wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa ninkan ku sheegtay mid ka mid ah ragga udub dhexaadka u ah Daacishta waqooyiga Afghanistan.

  1. Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.
  2. Afganistan oo ku eedeysay Pakistan inay gacansiiso maleeshiyaadka Daliban
  3. Dilkii la daboolay ee Benazir Bhutto

Duqeymaha ay geystaan diyaaradaha dagaalka ee Afghanistaan ayaa waxa inta badan wax yello ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka milateriga Afghanistan ku qaadeen waqooyiga gobolka Kunduz halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah iyo dhowr dagaalyahan oo ka tirsan ururka Taalibaan.

Mowduucyada la xiriira