Dugsiyada Somaliland oo ay kusoo badanayaan dumarka maamulayaasha ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dugsiyada Somaliland oo ay kusoo badanayaan dumarka maamulayaasha ah

Badanaa dugsiyada Somaliland waxaa maamuleyaal ka ah rag, laakiin waxa jira dugsiyo yar oo ay maamule ka yihiin dumar. haddaba shir lagu qabtay Hargeysa ayaa laga sheegay in ku dhiirigelinta waxbarashada ee hablaha ay door weyn ka qaadan karaan haweenka maamulayaasha iyo macallimiinta ka ah dugsiyadu.

Dugsiyada magaalada Hargeysa oo boqolaal ah waxaa maamule ka ah kow iyo toban dumara oo keliya, haddaba weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa afar ka mid ah maamulayaashaas kula kulmay shirkaa la qabtay oo doodan dhex dhigay ku saabsan waxbarashada hablaha.