Maxaa ka jira inuu iscasilay Jawaari?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka ee Soomaaliya, Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, ayaa xildhibaannada isaga taageersan u sheegay inuu iscasilay gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, sida ay BBC-du ka soo xigatay qaar ka mid ah mudanayaasha.

Illaa hadda wax wara oo ka soo baxay Gudoomiye Jawaari ma jiro laakiin xildhibaano isaga ku dhaw dhaw ayaa BBC-da u xaqiijiyay inuu ogolaaday inuu xafiiska banneeyo.

Arintan ayaa timid kaddib markii kulan soo bilowday saqdii dhexe ee xalay soona gaaray ilaa saaka waabarigii uu dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo iyo gudoomiyaha la sheegay inuu is casilay Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari.

Maanta waxaa baaqday kulan kale oo dhinacyada is haya ee xildhibaanada baarlamanka ay ku qabsan lahaayeen guriga ummadda kaddib markii fariimo loo diray ah inuu kulanku baaqday.

Dhanka kale wadooyinka magaalada ayaa dib loo furay kaddib markii ay soo baxaday sheekada ku saabasan baaqashada kulanka baarlamanka, halka markii hore dadweynaha magaalada ay saaka ku soo tooseen wadooyinka oo xiran.

Haddii ay dhab noqoto iscasilaadda gudoomiye Jawaari, waxay xilligan la joogo soo gabagabaynaysaa mushkiladihii siyaasadeed ee kala qaybiyay Golaha Shacabka dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay isla markaana gaabiska ku keentay hawlihii kale ee dawladda.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Cawaaqibka ka dhalan kara is qabqabsiga u dhaxeeya madaxda dowladda

Mowduucyada la xiriira