Qiimo dhac ku yimid lacagta Iiraan

Iran currency Lahaanshaha sawirka Getty Images

Bangiga Dhexe ee dalka Iiraan ayaa qaaday tallaabo uu ku badbaadinayo qiimaha lacagta dalkaasi oo uu hoos u dhac weyn ku yimid.

Bangiga ayaa muwaaddiniinta ka mamnuucay in ay guryaha dhigtaan ama ay qaataan lacago caddaan ah oo ka badan 12 kun oo doollar.

Arrintan ayaa ku soo beegnmeysa maalin uun kaddib markii sicir mideysan loo jaan-gooyay qiimaha lagu kala sarrifto doollarka iyo lacagta dalkaasi ee riyaalka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dadka reer Iiraan ayaa suuqyada sarrifka ku yaacay si ay lacagta dalkooda ugu sarriftaan doollarka, iyadoo halkii doollar lagu sarrifayo 42 kun oo riyaal.

Kal hore qiimaha ayaa aad hoos ugu dhacay waxaana halkii doollar lagu kala sarrifanayay 60 kun oo riyaal.

Arrinta ugu weyn ee loo aaneynayo qiima dhaca ku yimid lacagta riyaalka ee dalkaasi ayaa ah suurtagalnimada in uu burburo heshiiskii dhanka niyuukleerka ee quwadaha caalamka la galeen Iraan, kaas oo madaxweyne Trump uu wacad ku maray in uu ka noqon doono.