Xulka kubadda cagta 17-jirrada Soomaaliya oo u soo gudbay nus dhammaadka koobka CECAFA
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xulka kubadda cagta 17-jirrada Soomaaliya oo u soo gudbay nus dhammaadka koobka CECAFA

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ay da'doodu ka yar tahay 17-ka sano ayaa waxa ay u soo gudbeen nus dhammaadka koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka soconaya waddanka Burundi.

Soomaaliya ayaa heerkan soo gaartay kaddib markii ay shalay 1-0 uga badisay xulka Kenya ee ciyaartoyda da'doodu ka yar tahay 17-ka sano, sidaana waxa ay kaalinta koobaad uga soo baxday group-kii ay ku jirtay kaddib markii ay uruursatay 7- dhibcood.

Arbacada ayaa waxa ay Soomaaliya la dheeli doontaa haddba xulkii ka soo baxa ciyaarta Axadda ay yeelan doonaan Tanzania iyo Sudan.

Haddaba waxaa inoo suuragashay inaannu la xiriirno tababaraha xulka Soomaaliya ee ciyaartoyda ay da'doodu ka yar tahay 17-ka sano, Salaad Faarax Xasan, oo khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.