Dhibaatada bulsho ee Jaadka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada bulsho ee Jaadka

Geedka Qaadk oo caleentiisa ay qaar ka mid ah bulshada Soomaalidu meel ay joogtaba cunto dhaqaale aad u badanna kaga baxo, ayaa la sheegaa in uu door laxaad leh ku leeyahay dhibaatooyinka arrimaha bulshada ee haysta Soomaalida.

Axmed Xuseen Xasan waa oday Soomaali ah oo mudda 30 sanadood ah qaadka cuni jiray, haatan se joojiyey markuu garawsaday inuu dhibaatooyin badan ka dhaxlay.

Oday Axmed waxa uu dhibaatooyinkaas uga warramay weriyahayaga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo kula kulmay magaalada Jigjiga.