Maxaa laga filan karaa kulanka Golaha Ammaanka ee QM ee dhibaatada Suuriya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga filan karaa kulanka Golaha Ammaanka ee QM ee dhibaatada Suuriya?

Waxaa lagu wadaa in maanta ay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir ku yeeshaan waddanka Sweden.

Kulankan aan caadiga aheyn ayaa la filayaa in goluhu uu diiradda ku saaro dhibaatada ka taagan waddanka Suuriya, gaar ahaan sida looga gudbi karo kala qeybsanaanta baahsan ee wadammada xubnaha ka ah golahaasi ee arrinta Suuriya.

Dowladda Sweden oo shirkan martigelinaysa ayaa waxa ay sheegtay inay rajaynayso in kulanka ay ka soo baxaan wax wanaagsan oo u cuntami kara dadka Suuriya.

Haddaba si aannu umuurtan u falanqeyno ayaa waxaannu la xiriirnay Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha Carabta iyo Caalamka Islaamka, waxa uu u warrmay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay muhiimadda uu shirkan leeyahay?