Nin Xamaas ka tirsan oo lagu toogtay Malaysia

Xamaas ayaa sheegtay in ninka la dilay uu ahaa cilmi baare saynisyahan ah oo ku takhasusay arrimaha tamarta kana mid ahaa xubnaheeda Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xamaas ayaa sheegtay in ninka la dilay uu ahaa cilmi baare saynisyahan ah oo ku takhasusay arrimaha tamarta kana mid ahaa xubnaheeda

Barfasoor Falastiini ah xubinna ka ahaa ururka hubaysan ee Xamaas ayaa waxaa lagu dilay rasaas laga soo furay gaari mar uu marayay mid ka mid waddooyinka caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Qoyska 35 jir-kan lagu magacaabo Fadi al-Batsh, ayaa waxa ay sirdoonka Israa'iil ee Mossad ku eedeeyeen inuu ka dambaysay dilka Sabtidii ninkaasi loo gaystay.

Saraakiisha Malaysia ayaa sheegay in dadka laga shakisan yahay inay falkan gaysteen la rumaysan yahay inay xiriir la leeyihiin hay'ad sirdoon oo shisheeye.

Halka saraakiisha Israa'iil aanay weli wax war ah ka soo saarin dilka barfasoorkaasi loo gaystay.

Xamaas ayaa waxa ay Israa'iil ku eedaysaa inay horay u khaarijisay khubarada Falastiiniyiinta ee dibadda ku nool, walow hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad aysan weligeed xaqiijin howlgallo noocaas oo kale ah.

Kiis dhawaantan ku lug lahaa dilka nin u dhashay waddanka Tuuniisiya ayaa waxaa la rumaysan yahay inuu ahaa khabiir Xamaas ka tirsanaa oo ku takhasusay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan.