Duqa magaalada Bishkek oo kormeer sameeyay isaga oo aan la aqoonsan karin

Duqa magaalada Bishkek Albek Ibrhaimov Lahaanshaha sawirka KNEWS
Image caption Duqa magaalada Bishkek Albek Ibrhaimov

Duqa magaalada Bishkek ee caasimadda dalka Kyrgyzstan ayaa la sheegay in uu si joogto ah u sameeyo kormeer, isaga oo isu soo ekeeysiiyo qof caadi ah, xirta gar been abuur ah, iyo dhar kala duwan si aanan loo aqoonsanin.

Albek Ibrhaimov ayaa warbaahinta gudaha dalkaas u sheegay in ujeedka uu yahay in uu si rasmi ah u ogaado xaaladaha dadka ay maalin kasta la kulmaan, gaar ahaan dhibaatooyinka xalka u baahan ee heysta.

"Waxaan xirtaa dhar dug ah, si aanan la ii aqoonsan, waxaan xirtaa gar been ah, waxaan bixiyaa garabaatiga, waanan socdaa si aan u arko xaaladaha dhabta ah" ayuu yiri Mr Albek.

Waxa uu hadlayay kadib markii dab weyn uu gabi ahaanba burburiyay suuqa dalkaas ugu weyn ee Osh Bazaar.

Dhanka kale waxa uu balan qaaday in dadka dhibaatada soo gaartay uu u fidiyo kaalmo dhaqaale.

Mowduucyada la xiriira