Kulan dhaqaale gargaar loogu uruurinayo Suuriya oo maanta bilaabanaya

Sawir hore Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sawir hore

Diblomaasiyiin ka kala socda 85 waddan iyo hay'ado ayaa maanta ku kulmayo magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaasi oo looga wada xaajoonayo xaaladda Suuriya.

Ujeeddada ugu muhiimsan ee shirkan ayaa ah in dhaqaale gargaar loogu uruuriyo 700,000 oo suuriyiin dheeraad ah, kuwaasi oo soo barakacay bilowgii sanadkaan.

Waa shirkii lixaad oo noociisa oo kale ah.sanad kastoo ina dhaafana xaaladda suuriya waa mud ka sii daraysaa oo niyad jab ah.

Ugu yaraan boqol iyo konton kun oo qof ayaa guryooda ka yuulaya bariga quuda ka qaxay dagaaladii goor dhowayd ay dowladda ku qaadday halkaasi awgeed.

Dhanka kale dagaalka dowladda Turkiga ay ka waddo waqooyiga Suuriya ayaa sababay in saddex boqol oo kun oo qof oo kale ay guryohooda ka cararaan.

Gobolka Idlibna,oo ah goobta kaliya ay ku xooggan yihiin xoogagga mucaaradka waxaa ku sugan hal milyan oo qof oo barakacayal ah.

Marka xaaladda Suuriya waxa ay taagantahay quus oo majirto xilli ay haatan ka darantahay.

Dowladda Britain ayaa sheegaysa in ay diyaar u tahay in labada sano ee soo socoto ay bixiso laba boqol iyo konton milyan oo pound oo gargaar bini'aadannimo ah.

Taasi oo marka la isku dar daro ka dhigaysa toddobo bilyan oo pound dhamaan lacagigii ay bixisay dowladda Britain tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suuriya.

Penny Mordaunt oo ah xoghayaha hay'adda hormarinta ee caalamiga ah ayaa mar ay ka hadleysay shirka sheegatay in ay rajeyneyso in dacwad lagu soo oogo dowladda Bashaar Al Assad oo si aan gabasha lahayn u bartilmaameedsato shaqaalaha hay'adaha gargaarka.

Ruushka iyo Iran oo taageero xukuumadda Suuriya ayaa iyaguna la dhihi karaa waxa ay caqabad ku yihiin tallabo kasta oo diblumaasiyadeed oo suuriya loogu raadinya xal waara.

Mowduucyada la xiriira