Nigeria: Sanatar ka booday gaari Booliis xilli loo waday maxkamad

Dino Melaye ayaa caan ku ah gawaari badan oo kuwa raaxada ah Lahaanshaha sawirka YOUTUBE
Image caption Dino Melaye ayaa caan ku ah gawaari badan oo kuwa raaxada ah

Nin gacanyare u ah Sanatarka reer Nigeria ee muranka badan dhaliyay Dino Melaye ayaa beeniyay in uu sanatarka ak booday gaari booliis oo uu saarnaa si uu u baxsado.

Waxa uu intaa ku daray in sanatar Dino Melaye gaariga laga tuuray ee uusan isku dayin in uu baxsado.

Sanatarka caanka ah ee reer Nigeria Dino Melaye ayaa mar kale ay booliiska dalkaasi dib u soo qabteen ka dib markii uu isku dayay in gaarigii booliiska ee uu saarnaa ka boodo caasimada dalkaasi ee Abuja.

Sanatarkan ayaa maxkamad ku taalla magaalada Lokoja loo sii waday sida lagu qoray barta, wargayska Vanguard .

Wargayska ayaa ku waramay in Talaadadii laba Gaari oo uu Sanatarka iska leeyahay ay isku hor gudbeen gaariga booliiska markaasi oo uu baxsaday.

Waxaa la sheegay in Mr Melaye uu ka booday dariishada gaariga ka dibna uu ku baxsaday gawaaridiisa isku horgudbay gaarigii uu saarnaa.

Wargayskan lagu magacaabo Vanguard news ayaa ku waramay in Sanatarka loo qaaday Isbataal halkaasi oo ay dhakhaatiirta sheegeen in uu miir daboolmay.

Hasa yeeshee booliiska ayaa raadiyay waxa ayna ka dib u qaadeen isbataalka qaran ee magaalada Abuja.

Waxa ay sidoo kale booliiska xireen laba dhakhtar oo ka howlgala isbataalka Zanklin kuwaasi oo daaweeyay sanatarka markii uu baxsaday ka dib.

Mid ka mid ah Telefishinada dalkaasi Nigeria ayaa baahiyay sawir muujinaya sanatarka oo saaran Saalada lagu qaado dadka xanuunsanaya.

Mowduucyada la xiriira