Taksiilayaasha Garissa oo ku doodaya in Bajaajleyduay kala wareegeen shaqooyinkoodi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taksiilayaasha Garissa oo ku doodaya in Bajaajleyduay kala wareegeen shaqooyinkoodi

Intiinii dhegeysatay barnaamijyadii shalay ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du, waxaad la socoteen in aanu ka warranay gaadiidka Bajaajka oo ku soo badanaya magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, arrintaas oo ay kala simantahay magaalooyin ka kale ee Soomaalida.

Bajaajta magaalada ku bataday dadka ka biyo diiday waxa ka mid ah tagsiileyaasha magaalada oo u arka in ay shaqadii ka maroorsatay. Waxaan hadaba dhegeystayaal saaka idiin haynaa dood dhex maraysa labada dirawal oo midna tagsiile yahay ka kalena Bajaaj ku shaqaysto, waxa doodda u qaybinaya Bashkas Jug Soo dhacay oo warbixintaa horee xiisaha lehna shalay inoo soo diray.