Barakac ka dhashay fatahaada webiga mara Gaarisa

Qaar kamid ah shacabka Magaalada Gaarisa oo ka qaxayo fatahaadaha
Image caption Qaar kamid ah shacabka Magaalada Gaarisa oo ka qaxayo fatahaadaha

Qaar kamid shacabka ku dhaqan degmada Gaarisa ee Waqoo Beri Kenya ayaa ka qaxay guryahooda kaddib markii uu kusoo fatahay webiga maro deegaankaasi ee Tana.

Fatahaadahan ayaa saameyn wayn ku yeeshay qeybo badan oo ka mid ah dalka gaar ahaan bariga.

Ha'yadda laanqayrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in daadadka ay ku khasbeen inay guryahoda ka barakacaan in ka badan 20,000 qof guud ahaan Kenya.

Image caption Fatahaadaha ayaa laga cabsi qaba inay si kordhaan

Waxay ka digtay in dadkaasi ay wajihi karaan xaalad nololeed ooa dag maadama fatahaadaha ay sii kordhayaan.

Dadka deegaanka Gaarisa ayaa sheegay in daadadkii ka dhashay roobabka gobolka waqooyi bari ka da'yay maalmihii la soo dhaafay ay cagta mariyeen qaar ka mid ah dalagii beeraha ku yaalla deegaankaasi.

Image caption Beeralayda Gaarisa oo khaasaro kasoo gaartay fataahadda webiga Tana

Weriyaha BBC-da Bashkas jug soo dhacay oo ku sugan Gaarisa ayaa kusoo warramaya in xalay dad badan oo ku noola xaafado dhowr ah ay guryahooda ka qaxeen oo ay si kumeel gaar ah hoy uga dhigteen iskull deegaankaasi ku yaalla.

Qaar ka mid ah waddooyinka isku xiro gobolka ayay roobabku xireen.

Biyo xireennada deegaankaasi ayaa buux dhaafay taasoo keentay cabsi ah in fataahado hor leh ay dillaacaan.

Guud ahaan dalka Kenya daadadkan ayaa galaaftay nolosha ilaa iyo 20 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Mowduucyada la xiriira