Afar arrimood ka ogow kulanka aadka looga war dhawrayo ee labada Kuuriya

Xiligii ay socdeen ciyaarihii qaboobaha ee olambigga ayuu billawday xiriirka soo hagaagaya ee labada dal Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xiligii ay socdeen ciyaarihii qaboobaha ee olambigga ayuu billawday xiriirka soo hagaagaya ee labada dal

Madaxweynaha Kuuriyada Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kulmi doona maalinta Jimcaha ah, arrintaas oo ah dhacdo dublamaasiyadeed oo aan la arkin toban sano ka badan.

Wadahadalkan naadirka ah ayaa imanaya bilo uu soo hagaagayay calaaqaadka labada dal wuxuuna waddada u xaarayaa wadahadallada la qorsheeyay in ay yeeshaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Kalaabashada barnaamijka nukliyeerka iyo ammaanka ayaa harayn doona ajendeyaasha shirka, inkastoo dadka arrimahan taxliiliya ay ka biyodiidan yihiin in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasuli doonto hubkeeda nukliyeerka.

Miiska wadahadalka waxaa kale oo laga yaabaa in la keeno arrimaha ay kala tabanayaan sida qoysaska labada dhinac ku kala xanniban iyo cunoqabataynta.

Saamayn intee la eg ayay arrintani leedahay?

Waa kulan wayn. Waana markii koobaad ee hogaamiyeyaasha labada Kuuriya ay kulmaan tan iyo sannadkii 2007dii. Waana markii koobaad ee shir noocan ah uu galo Kim.

Kulani wuxuu ka duwanaan doonaa midkii uu Kim la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kaas oo aad loo qariyay lana xaqiijiyay markii uu dhammaaday ka dib, midkan ayaase si toos ah looga baahin doonaa telefeshinnada.

"Waa xalfadda soo bixitaankiisa" ayuu yiri James Kim oo madax ka ah mac'hadka daraasaadka ee Kim Jong-un.

"Wuxuu ku taagan yahay waddadii aabihii " Kim Jong-il ayaana la kulmay madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2000 mar kalana wuxuu la kulmay Roh Moo-hyun sannadkii 2007.

Kulankaas ayaa loo qaabeeyay in looga wadahadlo halista nukliyeerka iyo sidii labada Kuuriya ay isu kaashan lahaayeen.

Kim Dae-Jung ayaana arrintaas ku mutaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Kulankii wakhtigaas ayaa xoogaa miro dhalay waxaana la sameeyay xarun warshado oo dhanka Waqooyiga Kuuriya laga dhisay, qoysas uu dagaalku kala qoqobay ayaana dib u midoobay.

Balse Kuuriyada Waqooyi ayaa dib u billawday daandaansigii nukliyeerka waxaana arrintaas ku darsantay xukuumaddihii Seoul oo meel adag ka istaagay Pyongyang ayaana naaqusisay dadaalladii nabadda.

Intaas wixii ka dambeeyayna dadaalladii Kuuriyada Koonfureed ay ku faquuqaysay Kuuriyada Waqooyi ayaa la dhaliilay.

Dr Kim oo ka tirsan mac'hadka Asan Institute-na wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka Kuuriyada Koonfureed ay qabaan in dhaqaalihii la siiyay Kuuriyada Waqooyi ee loogu talagalay in Kuuriyada Waqooyi ay ku joojiso hubkeeda nukliyeerka ah, in aan loo isticmaalin sidii loogu talagalay.

"Dadka qaar ayaa rumaysan in Kuuriyada Waqooyi ay arrintaas ka caawisay in ay noqdaan dal awood nukliyeer leh".

Lahaanshaha sawirka AFP/KCNA VIA KNS
Image caption Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaaalo badan tijaabisay 2017kii

Kuuriyada Koonfureed maxay doonaysaa?

Toban sano oo xiisad taagnayd, Kuuriyada Koonfureed ayaa Kuuriyada Waqooyi ku soo celisay miiska wada xaajoodka.

Madaxweyne Moon oo ku luglahaanshihiisa wadahadallada Kuuriya ay soo socotay tan iyo wakhtigii madaxweynihii hore Roh oo uu u ahaa lataliye sare ayaa dabada ka riixayay xiriirka uu la leeyahay Waqooyiga.

"Su'aal kama taagna in uu doonayo in uu wadaxaajoodka ka dhigo qayb ka mid ah dhaxalka uu ka tagayo" ayuu yiri Ji-Young Lee oo bare ka ah jaamacad ku taalla jaamacadda American University School of International Service.

Wasaaradda midaynta oo korka kala socota xiriirka Kuuriyada Waqooyi ayaa hadafkooda u wayn ka dhigay in nukliyeerka meesha laga saaro, xiisadda milatarina hoos loo dhigo, waxaana intaas u soo raaca in la sameeyo iskaashi dhaw oo dhaqaale iyo mid bulsho oo Kuuriyada Waqooyi lala yeesho, waxaana laga yaabaa in arrintaas ay ka mid noqoto dib u furitaanka dhismaha warshadaha ee Kaesong complex.

Xarunta Kaesong ayaana ahayd iskaashiga aan caadiga ahayn ee labada dal, waxaase albaabada la isugu laabay 2016kii, ka dib markii Koonfurtu ay sheegtay in dhaqaalaha ka soo baxa laga weeciyay shaqaalihii laguna kabay barnaamijka nukliyeerka.

Madaxweyne Moon ayaa sheegay in uu dib u furi doono xarruntaas oo shaqo abuur u samaysay 55,000 oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay, waase markii ay sida wanaagsan u hawlgalaysay, waase haddii haddii buu yiri horumar laga sameeyo ka laabashada barnaamijka nukliyeerka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Moon ayaa horay door uga ciyaaray wadahadal lala yeeshay Kuuriyada Waqooyi

Dib u midaynta xubnaha 60,000 oo qoys oo dagaalkii Kuuriya uu kala qaybiyay ayaa iyadana laga wada hadli doonaa.

Kulan noocaas ku saabsanna waxaa u dambaysay sannadkii 2015kii.

Kuuriyada Waqooyina maxay rabtaa?

Hadafyada Kuuriyada Waqooyi ayaa ka gadisan kuwii hore. Qaar badan oo ka mid ah dadka arrintan ka faaloodana waxay sheegayaan in cunaqabataynadii ciqaabta ahaa ay yihiin kuwa Kim ku qaaday in uu ogolaado wadahadalka.

Cunaqabatayno ay hirgaliyeen Maraykanka iyo Qaramada Midoobay oo loo qaabeeyay in lagu minjo xaabiyo dhaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dhacay sannadkii hore.

Dr Kim oo mac'hadka cilmibaarista Asan ka tirsanna wuxuu leeyahay Kuuriyada Waqooyi ayaa u aragta in sida kali ah ee ay Maraykanka ugala hadli karaan arrimaha ay cunaqabatayntu ka mid tahay in ay tahay in ay xiriir la sameeyaan Kuuriyada Koonfureed.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Bishii Maarso ayuu Kim u sheegay guddi ka socda Koonfurta in ay ka go'antahay ka laabashada nukliyeerka

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa ku adkaysanaysa in wadahadalkan aysan ku qaadin cunaqabatayn ee ay tahay kalsooni ay dawladdu isku qabto.

Tallaabooyinka kale ee ay qaaday ee cunaqabataynta lagaga khafiifin karana waxaa ka mid ah in toddobaad ka hor shirkan taariikhiga ah ay sheegtay in ay hakisay dhamman tijaabooyinkii nukliyeerka iyo gantaallaha riddada dheer ee qaaradaha isaga kala goosha.

Arrimahaas ayaana ahaa daandaansiga u wayn ee ay horay u samayn jirtay.

Arrintaas waxaa soo dhaweeyay madaxweyne Moon, laakiin indhaha hogaamiyaha Kuriyada Koonfureed waxay hayaan madaxweynaha maraynkanka Donald Trump.

Lee oo ka tirsan jaamacadda American University wuxuu sheegaya in Kim uu doonayo in loola dhaqmo sidii nin la siman madaxweynaha Maraykanka.

Maxay u badan tahay in uu ka soo baxo kulankan?

In kulankan uu qabsoomayo ayaa rajo keentay - wasaaradda midayntuna waxay sheegtay in afar meeloodow saddex ay dadka Kuuriyada Koonfureed rajo ka qabaan kulanka.

Dadka intooda badanna waxay u arkaan arrin bilaw u ah dib u midaynta labada dal iyo tirtiridda hubka nukliyeerka ah.

Bare sare Lee ayaa kulankan ka filaya in heshiisyo badan la gali doono ayna jiri doonaan kulamo dabo socon doona.

Indhaha ayaase haya xiriirka ay yeelan doonaan labada masuul.

Dr Kim ayaa isna sheegaya in isfahamka hogaamiyeyaasha labada Kuuriya uu muhiim u noqon doono sii wada shaqayntooda.

"Waxay ila tahay kulankan wuu u wanaagsan yahay labada hogaamiyaba. Laakiin in hubka nukliyeerka lagu afjari doono iyo in kale, anigu ma mahubo" ayuu hadalka ku soo gabogabeeyay Dr-kaasi.

Mowduucyada la xiriira