Kumannaan ruux oo ka mudaaharaaday xukun kufsi

Mudaaharaad Lahaanshaha sawirka Getty Images

Kumaan ruux ayaa isugu soo baxay dariiqyada dalka Spain, ka dib markii ay maxkamaddi go'aamisay in aysan kufsi gaysanin shan nin oo weeraray gabadh u daawasho tagtay damaashaadka dibi ka cararka loo yaqaanno.

Dad caraysan ayaa isku soo arruursaday bartamaha magaalada Madrid iyo waliba magaalooyin kale iyaga oo ku dhawaaqaya "isku xishooda, isku xishooda" iyo Maya waa maya"

Shantan nin ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah in ay xadgudub galmo sameeyeen, balse dad badan ayaa u arka in xukunkani uu yahay mid loogu naxariistay.

Laakiin gabadha iyo ragguba waxay sheegeen in ay racfaan ka qaadanayaan xukunka maxkamadda.

Shantan nin oo iska leh ciwaan khaas ah oo ay WhatsApp-ka ka samaysteen ayaa duubay weerarka oo dhacay intii lagu gudo jiray San Fermin oo dhacay bishii Luulyo ee sannadkii 2016kii.

Arrinta qabsatay gabdhaas 18 jirka ah ayaana horseeday caro dalkaas oo dhan laga muujiyay.

Waxaa kala duwan ciqaabta la marsiiyo dadka xad gudubka galmada la xiriirta gaysta mar haddii aysan rabsho iyo xoog la soconin, sida uu qabo sharciga Spain.

Lahaanshaha sawirka EPA