Israa'iil oo loogu baaqday in aysan awood u sheegan Falastiyiniinta

israa'iil

Ergayga ugu sarreeya golaha xaquuqul insaanka ee Qaramda Midoobey ayaa ugu baaqay Israa'iil in ay joojiso waxa uu ugu yeeray awoodda xad dhaafka ah ee ka dhanka ah Falastiyiniinta Qasa ee dibadbaxyada dhigaya.

Zeyd Racad Al-Xuseen ayaa dalbaday in shakhsiyaadka ka dambeeya dilka iyo dhaawacyada Falastiyiniinta dibadabxyada dhigayay lala xisaabtamo oo sharciga la horgeeya.

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii 42 qof oo Falastiyiniin ah lagu dilay dibadbaxyo socday muddo afar usbuuc ah.

Diabdbaxyadaasi waxaa sidoo kael ku dhaawacmay 5,250 qof oo reer Falastiin ah.

Al-Xuseen ayaa dhimashada dadkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado, waxa uuna sheegay in wax lala fajaco ay tahay tirada dadka la toogtay.

Maanta oo Jimca ah waxaa la filayaa in diabdabxyo kale oo dheeraad ah ay ka dahcaan xudduudda Israa'iil la leedahay Qasa.

Mowduucyada la xiriira