Yurub oo mamnuucaysa sun shinnida laysa

Shinni
Image caption Shinni

Dalalka xubnaha ka ah Midoowga Yurub ayaa taageeray qorshe gabi ahaanba lagu mamnuucayo suntan lagu laayo shinnida malabka samaysa.

Cilmi baarisyo horay loo sameeyay ayaa lagu ogaaday in sunta cayayaanka in ay aad hoos ugu dhintay taranka shinnida malabka.

Balse dadka warshadaha leh iyo kuwa beeralayda ayaa kasoo horjeeda qorshahan, waxayna sheegeen in seeyniska uusan wali heynin cadaymo ku filan halista ay suntan leedahay.

Sanadkii 2013-kii , Midoowga Yurub ayaa mamnuucis qeyb ahaan kusoo rogay qeyb ka mid ah suntan cayaayanka oo loo kala yaqaano Imidacloprid, clothianidin iyo thiamethoxam.

Mamnuucista ayaa waxa kaliya oo ay quseysay galleyda, qamadiga, iyo sisinta. Balse heshiiska cusub ayaa waxa uu taabanayaa kuwa intaas aad uga badan.

Inkasta oo dib loo dhigay codeynta arrinta marar badan, haddane jimcihii cod aqlabiyad ah ayaa lagu ansixiyay.

Codeynta ayaa waxa ay ka dambeysay kadib warbixin dhawaan ay soo saartay Laanta Badqabka Cunnada ee Yurub (Efsa) oo sheegtay in la xaqiijiyay in sunta cayayaanka looga dilo dalaga ay waxyeelo u geysato shinnida malabka dhalisa, taas oo quudata ubaxyada ay dallaga dhaliyaan.

"Caafimaadka shinnida muhiimad weyn ayay ii leedahay maadaamaa ay ka dhigantahay hab nololeedka deegaanka, soo saarista cuntada iyo waliba deegaanka" ayuu yiri Vytenis Andiukaitis oo ah xoghayaha caafimaadka iyo badqabka cuntada ee Midoowga Yurub.

Dadka u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa soo dhaweeyay go'aanka Midoowga Yurub, waxayna ku tilmaameen rajo weyn oo soo iftiintay.

Mowduucyada la xiriira