Abiy Axmed oo doonayo in uu xaddido muddada xilka ra'iisalwasaaraha Itoobiya

Abiy Ahmed Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Abiy Ahmed

Ra'iisalwasaariha Itoobiya ee dhowaan la magacaabay Abiy Ahmed ayaa sheegaya in uu qaadayo tallaabooyin cusub oo lagu xaddidayo muddada xilka uu haynayo Ra'iisalwasaaraha, taas oo lagu soo koobayo laba xilli doorasho oo kaliya.

Haatan sharciga waddanka ayaa u oggolaanaya ra'isalwasaaraha in xilka uu hayo mudda aan cayineen.

Tallaabadaan ayaa ka mid ah isbedello uu Mr Abiy horay u ballan qaaday inkastoo waddanka uu weli ku jiro amarka deg-degga ah.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo "si xun loo xigtay"

Itoobiya oo siidaynaysa 2,000 oo maxaabiis ah

Ra'iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya oo raaligalin bixiyay

Ra'iisalwasaarihii isaga ka horreyay Hailemariam Desalegn, ayaa si lama filaan isku casilay bishii febaraayo iyadoo wadanka uu wajahayay dibed baxyo looga soo horjeeda dowladda.

Mr Abiy ayaa ka soo jeeda qowmiyadda ugu badan Itoobiya ee Oromda, kuwaasoo muddo dheer ku andacoonayay in la xaqiray.

Mowduucyada la xiriira