Golaha Shacabka Soomaaliya oo gudoomiye dooranaya

Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Image caption Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dooranayaan gudoomiye cusub.

Xilkan ayaa waxaa ku tartamaya 10 xildhibaan oo doonaya inay baddelaan gudoomiyihii xilka banneeyay, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qaar ka mid ah xildhibaannada jagadan u ordaya ayaa horay u soo noqday wasiiro iyo wasiirro ku xigeen.

Kulanka maanta ayaa ilaa hadda waxaa soo xaadiray 262 xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in goordhaw ay bilaabato codbixinta.

Haddaba halkan hoose ka akhriso magacyada musharixiinta

1. Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen

2. Cali Sheekh Maxamed Nuur

3. Ibraahim Isaaq Yaroow

4. Idris Cabdi Takhtar

5. Iimaan Cabdullaahi Maxamed

6. Maxamuud Macalin Yaxye

7. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan

8. Saalim Caliyoow Ibroow

9. Shariif Maxamed Cabdalla

10. Shariif Sheekhuna Mayye

Sheekh Aadan Madoobe oo tanaasulay

Image caption Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ahaa musharaxiinta 11-ka ahaa ee u tartamayay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxyar ka hor inta aanay bilaaban codbixinta doorashada waxa uu xildhibaannada ka hor sheegay inuu ka tanaasulay xilka maanta loo tartamayo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in markii uu arkay tirada musharaxiinta u tartamaysa xilka uu jeclaystay inuu fursad siiyo xubnaha kale ee tartamaya.

Mowduucyada la xiriira