Maleeshiyaad taabacsan Dowladda Suuriya oo lagu dilay duqayn

Madaafic ayaa lagu garaacay xarumo militari oo ku yaallo waqooyiga suuriya,sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Suuriya.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sidoo kale sheegaya in daraasin qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Millitariga dalka Suuriya waxay sheegeen in goobo ay ku lahaayeen magaaloyinka Xumus iyo Xalab ay kamid yihiin meelaha la duqeeyay.

Kooxda la socota xaaladda Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegtay in 26 kamid ah dagaalamayaal taabacsan dowladda oo u badan Iraaniyiin ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay duqeynta.

Lama ogo cidda ka dambaysay weerarka, balse marar hore dalalka reer galbeedka iyo Israa'iil ayaa duqayn cirka ah ka gaystay waddanka Suuriya.

Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab

Xalab oo gacanta ugu gashay dowladda Suuriya

Horraantii bishan ayaa dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxa ay duqeeyeen goobaha la sheegay in dowladda ay ku kaydiso hubka kimikada ah.

Israa'iil ayaa lagu tuhunsan yahay inay duqaysay saldhigga militariga cirka ee dowladda Suuriya ku leedahay magaalada Xims.

Toddobo ka tirsan askarta Iran ayaa ka mid ahaa 14 qof oo lagu dilay duqaynta.

Israa'iil ayaa ku adkeysanaysa inay hakin doonto galaangalka Iran ay ku leedahay gudaha Suuriya.

Image caption Khariiddada goobaha la weeraray

Ilo-wareedyo ka tirsan millitariga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Sanca in duqeynta xalay ay u muuqato dandaansi hor leh.

Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday deegannada kala ah Salxab, galbeedka Xims iyo deegannada ku harreeraysan saldhigga cirka ee Nyrab.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xiganaysa taliye sare oo ka tirsan meleeshiyo taabacsan Iran ayaa beeniyay in la weeraray xaruntii ay ku lahaayeen magaalada Xalab.

Kooxda la socota arrimmaha xuquuqul Insaanka Suuriya ayaa sheegtay inay hayaan macluumaad sheegaya in 26 dagaalyahan oo dowladda taageerasan lagu dilay weerarka, afar ayay ku sheegeen inay Suuriyiin yihiin iyo dagaalyahanno u dhashay Iran.

Kooxda waxay intaasi ku dartay in dhimashada ay sare u kici karto islamarkaana 60 dagaalyahan ay ku dhaawacmeen duqaynta.

Kooxda arrimmaha Suuriya la socota ayaa intaasi ku dartay in weerarka uu u egyahay mid ay ka dambeysay Israa'iil.

Balse wasiirka sirdoonka Israa'iil ayaa sheegay in aysan ka war haynin weerarka la sheegay.eh.

Mowduucyada la xiriira