Ugu yaraan 25 ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

Goobta uu qaraxu ka dhacay Lahaanshaha sawirka Reuters

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, waxaana ka mid ah sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP iyo saxafiyiin kale oo duubayay dhacdada.

Qofka qaraxa gaystay ayaa adeegsaday mooto subaxnimadii Isniinta, wuxuuna ka dhacay degmada Shashdarak ee magalada Kabul.

Shan iyo toban daqiiqo ka dib markii saxafiyiinta iyo wariyeyaashu ay tageen goobta si ay uga soo warramaan ayuu qaraxa labaad dhacay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in la dilay sawir qaade sare Shah Marai oo shaqaalahooda ka mid ahaa.

Wakaaladda wararka oo Twitter soo qortay ayaa sheegtay in si ula kac ah loo adeegsaday saxafiyiinta.

Lahaanshaha sawirka Tolo News / EVN

Mowduucyada la xiriira