Sawirradii ugu fiicnaa ee uu qaaday sawir qaade maanta lagu dilay Kabul

Shah Marai wuxuu ahaa madaxa sawir-qaadayaasha waakaaladda wararka ee AFP magaalada Kabul maanta ayuuna ku geeriyooday qarax bambaano oo ka dhacay magaalada Kabul.

Halkan waxaan idin kuugu soo gudbinayana qaar kamid ah sawirradii uu qaaday intii uu shaqada warbaahinta ku jiray.

Marai inta badan wuxuu qaadi jiray sawirrada goobaha qaraxyada ay ka dhaceen, halkan,dadka deegaanka waxay kormeer ku samaynayaan xaruun doorasho 22 bishii April ee sannadkani. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Marai inta badan wuxuu qaadi jiray sawirrada goobaha qaraxyada ay ka dhaceen, halkan,dadka deegaanka waxay kormeer ku samaynayaan xaruun doorasho 22 bishii April ee sannadkani.
Nin Afqanistaan u dhashay oo xabaalayo mid kamid ah dad ku geeyooday qarax ismaadin ah oo ka dhacay dalkaasi sannadkan oo ay 60 qof oo carruur ay ku jiraan ay ku dhinteen. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Nin Afqanistaan u dhashay oo xabaalayo mid kamid ah dad ku geeriyooday qarax ismaadin ah oo ka dhacay dalkaasi sannadkan oo ay 60 qof oo carruur ay ku jiraan ay ku dhinteen.
Labo haween ah oo barooranayo xilli qaraabadooda ay ku waxyeelloobeen qarax lala beegsaday xaruun dhaqameed ku taallo magaalada Kabul sannadkii 2017. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Labo haween ah oo barooranayo xilli qaraabadooda ay ku waxyeelloobeen qarax lala beegsaday xaruun dhaqameed ku taallo magaalada Kabul sannadkii 2017.
Marai wuxuu ka warrami jiray wararka siyaasadda ee dalka Afqanistaan,Halkan waxaad idiin kaga muuqda Sawirka madaxweyne Hamid Karzai iyo Sanator John Kerry oo qoslayo xilli shir jaraa'id ay ku qabteen aqalka madaxtooyada ee magaalada Kabul ee sannadkii 2009. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Marai wuxuu ka warrami jiray wararka siyaasadda ee dalka Afqanistaan, Halkan waxaad idiin kaga muuqda Sawirka madaxweyne Hamid Karzai iyo Sanatar John Kerry oo qoslayo xilli shir jaraa'id ay ku qabteen aqalka madaxtooyada ee magaalada Kabul ee sannadkii 2009.
Toban sanno ka hor Marai wuxuu ku sugnaa xerada Baston ee gobolka Helmaand xilliggaas uu booqasho ku joogay ra'iisul wasaarihii Britain Gordon Brown oo la hadlaayay ciidammada Ingiriiska ee halkaasi joogay. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Toban sanno ka hor Marai wuxuu ku sugnaa xerada Baston ee gobolka Helmaand xilliggaas uu booqasho ku joogay ra'iisul wasaarihii Britain Gordon Brown oo la hadlaayay ciidammada Ingiriiska ee halkaasi joogay.
Sannadkii 2009 Marai ayaa sawir kasoo qaaday mid kamid ah tageerayaasha musharraxii madaxtinimada Cabdullah Cabdullah oo ku wajahnayd olole doorasho. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Sannadkii 2009 Marai ayaa sawir ka soo qaaday mid kamid ah tageerayaasha musharraxii madaxtinimada Cabdullah Cabdullah oo ku wajahnayd olole doorasho.
Marai ayaa sawirkan ku muujinaya horumarrada uu ku tallaabsaday Afqanistaan, Canug ayaa la siinaya tallaalka cudurka dabeysha oo sannadkii 2010 olole tallaal uu socday. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Marai ayaa sawirkan ku muujinaya horumarrada uu ku tallaabsaday Afqanistaan, Canug yar ayaa la siinaya tallaalka cudurka dabeysha oo sannadkii 2010 oo uu olole tallaal socday.
Sannado badan oo guryahooda lagu reebay xilligii xukunka Taalibaan, Sannadkii 2008 haweenka Afqanistaan ayuu soo sawiray iyagoo joogo xarun jimicsi. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Sannado badan oo guryahooda lagu reebay xilligii xukunka Taalibaan, Sannadkii 2008 haweenka Afqanistaan ayuu soo sawiray iyagoo joogo xarun jimicsi.
Waa sawiir muujinayo cayaaraha dhulka hoostiisa ee deegaanka Park Shahar dalka Afqanistaan Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Waa sawiir muujinayo cayaaraha dhulka hoostiisa ee deegaanka Park Shahar dalka Afqanistaan.
Sawirkan Marai wuxuu muujinaya laga billaabo sannadkii 2017 in kummannaan aflaam ah ay qariyeen kooxda Taalibaan bartamihii sagaashameeyadii oo hadda si casri ahaa loo kayddiyay. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Sawirkan Marai wuxuu muujinaya laga billaabo sanadkii 2017 in kummannaan aflaam ah ay qariyeen kooxda Taalibaan bartamihii sagaashameeyadii oo hadda si casri ahaa loo kayddiyay.
Nin reer Afqanistaan ah oo dhexmarayo waddo ku dhex taallo geedo ay baraf qabsadeen. Lahaanshaha sawirka Shai Marai / AFP
Image caption Nin reer Afqanistaan ah oo dhexmarayo waddo ku dhex taallo geedo ay baraf qariyeen.
Horraantii sannadkii 2000, Waddooyinka iyo dooxooyinka ku yaallo Afqanistaan waxaa ka muuqday dhibatadii dagaalka. baabuurtii soviet-ka waxaa burburiyay dagaalyahanno Islaamiyiin ah intii u dhexeysay sannadihii 1979-1989, Marai wuxuu soo qaaday sawir carruur oo ku cayaarayso mid kamid ah baaburtii dagaalka soviet. Lahaanshaha sawirka Shah Maria / AFP
Image caption Horraantii sannadkii 2000, Waddooyinka iyo dooxooyinka ku yaallo Afqanistaan waxaa ka muuqday dhibatada dagaallada ay gaysteen. baabuurtii soviet-ka waxaa burburiyay dagaalyahanno Islaamiyiin ah intii u dhexeysay sannadihii 1979-1989, Marai wuxuu soo qaaday sawir carruur ku cayaarayso mid kamid ah baaburtii dagaalka soviet.
Gabadhani waxay kamid tahay in ka badan 6000 oo qaxooti Afqanistaaniyiin ah oo dib ugu laabanaya dalkeeda sannadkii 2008 kaddib markii ay horraan u qaxday dalka Iraan. Lahaanshaha sawirka Shah Marai / AFP
Image caption Gabadhani waxay kamid tahay in ka badan 6000 oo qaxooti Afqanistaaniyiin ah oo dib ugu laabanaya dalkooda sannadkii 2008 kaddib markii ay horraan u qaxeen dalka Iraan.

All photographs Shah Marai / AFP

Mowduucyada la xiriira