350 qof oo lagu badbaadiyey Kaaribiyaanka iyo Latin Amerika

Howlgal ay sameeyeen booliska Interpol ayay kusoo qabteen koox burcad ah oo dadka ka ganacsato. Lahaanshaha sawirka Interpol
Image caption Howlgal ay sameeyeen booliska Interpol ayay kusoo qabteen koox burcad ah oo dadka ka ganacsato.

Ku dhawaad 350 qof oo ay saameysay ka ganacsiga dadka ayey boolisku ku badbaadiyeen 13 dal.

Howlgal ay hoggaaminayeen booliska caalamiga ee Interpol waxay badbaadiyeen rag, dumar iyo carruur dibadaha laga keenay laguna qasabayey shaqo xoog ah.

Madaxa kooxda ka hortagga ka ganacsiga dadka ee Interpol Cem Kolcu ayaa sheegay in dadkani laga helay iyaga oo ka shaqeynaya goobaha lagu tunto, warshadaha, suuqyada, beeraha iyo goobaha macdinta laga soo saaro oo aad ciriiri u ah. .

Waxayna saraakiisha boolisku sheegeen 22 qof oo ay ku qabteen lacag caddaan ah, Mobaaylada gacanta iyo koombiyuutarro.

Lahaanshaha sawirka Interpol
Image caption Saraakiisha waxay gacanta kusoo dhigeen dokumentiyo been abuur ah

Howlgalka oo ka soo billowday Barbados waxaa gacan ka siinayey xaruumaha Booliska caalamiga ee Interpol oo ku yaallo magaalada Lyon ee dalka Faransiiska iyo Caasimadda Argentina ee Buenos-aires.

Agaasimaha guud ee waaxda booliska Interpol Tim Morris wuxuu BBC-da u sheegay xaaladda ka taagan Guyana ay tahay "guud ahaan bahalnimo"

Dambi baadhayaashu waxay badbaadiyeen dumar lagu qasbayey iney jirkooda ka ganacsadaan goobaha fog fog ee macdinta laga qodo, goobahaasi oo ah mid ay ka baxsan karin dambibaadhayaashuna gaari karin.

Lahaanshaha sawirka Interpol
Image caption Dhibanayaasha nolal adag ayay ku jiraan

'Baahsanaanta Dambiyadaasi'

Ciidanka badbaadinta dadkan ka shaqeynayey waxay ahmiyadda siiyeen dadka ay waxyeelladu soo gaartay ee xudduudaha ka soo tallaaba si ay noolal wanaagsan u raadsadaan amaba ka soo hayaama gobollaooda faqiirka una baqoolo kuwa qaniga ah.

Hay'adaha samafalka iyo kuwa ka shaqeeyo arrimaha bulshada waxay ku howlan yihiin sidi ay dadkaasi u caawin lahaayeen ayna uga heli lahaayeen waaya aragnimadooda si baadhitaan dheeraad ah looga sammeeyo.

"Dadkani sidan kuma dhaafeyno", ayuu yiri Mr.Moris dadkan ay waxyeellada soo gaartayna waxay heleyaan taageerada ku habboon.

Dowladaha ayaan go'aan ka gaari doona in dadkaani caawimaad oo keli ah loo fidiyo lana sii diiyo ama halki ay ka yimaaddeen loo celiyo.

Lahaanshaha sawirka Interpol
Image caption Dhibanayaasha ayaa loo isticmaala inay jirkooda ka ganacsadaan

Howshani ay booliska qabteen waxay qayb ka tahay mashaariicda ay ciidanka ka hortagga ka ganacsiga dadka ee Interpol oo qayb ka ah go'aanki wasiirrada Amniga ee Dalalka G7.

Qaaradda Afrika oo ay arrintani dhibaatooyin badan ka haystaan, haddana waddamada bartamaha iyo koonfurta Afrika, Kaaribiyaanka iyo Asia dhammaantood waxaa ka haysto dhibaatooyin mugweyn.

Waxaana Booliska Interpol ka go'an ayuu yiri ilaa la tirtiro dhibaatadan iney howlgalladooda ay sii wadaan.

Waxaynu dooneynaa inaan saameyn wax ku ool ah ku yeelanno arrintan, ilaa dadka dambiyadan ka dambeeyana lala xisaabto.

Mowduucyada la xiriira