Itoobiya: Ciyaartooy weerartay garsoore kubadda cagta

Garsooraha waxaa weeraray tabbarihii kooxda oo arrintaasi darteed shaqada looga joojiyay. Lahaanshaha sawirka ETV/FACEBOOK
Image caption Garsooraha waxaa weeraray tabbarihii kooxda oo arrintaasi darteed shaqada looga joojiyay.

Cayaartooy kubadda cagta oo ku sugan dalka itoobiya ayaa weerar ku qaaday garsoore kaddib markii uu go'aan muran dhaliyay ka qaatay gool la dhaliyay xilli ay socdeen cayaaraha horyaalka Itoobiya.

Kooxda Militariga iyo koox kale oo ka socotay Jaamacadda Welwalo Adigrat ayaa goolal barbardhac lahaa markii garsooraha cayaarta uu kubad ka gudubtay khadka oo muran dhalisay uu gool ugu dhigay kooxda militariga ka socotay.

Kooxda ka socotay jaamacadda ayaa baacsaday garsooraha kaddibna mid kamid ah tabareyaashooda ayaa dhulka ku riday garsooraha.

Ethiopia oo dad ay cafisay dib u xidhay

Isbahaysiga talada haya ee Ethiopia oo doortay hoggaamiye cusub

Waaxda kubadda cagta ee Itoobiya ayaa hakisay dhammaan cayaarihii socday, tabbarihii kooxda weerartay garsoorahana shaqada ayaa laga eryay.

Muuqal ay soo dhigtay baraha bulshada warbaahinta dowladda ee ETV ayaa muujinayay garsooraha oo isku dayayo inuu isku difaaco mid kamid ah tiirarka calanka ee garoonka.

Waxaa jiray dhacdooyin badan oo qalalaase ka dhaliyay horyaallada kubadda cagta ee Itoobiya, balse tan u dambeysay ayaa indhaha dad badan soo jiidatay.

Waaxda cayaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inay kulan la qaadato dhammaan 16-ka koox ee ka qaybgalaysay cayaaraha horyaalka Itoobiya.

Mowduucyada la xiriira