Walaac laga qabo midabka isbadalaya ee dhismaha loogu dalxiiska badan yahay

Arday nadiifinaya webiga Yamuna Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arday nadiifinaya webiga Yamuna

Maxkamadda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa dowladda ku amartay inay caawimad ka dalbato dalalka kale ka dib markii ay walaac ka muujisay isbadalada midabka qasriga weyn ee Taj Mahal.

Maxkamadda ayaa sheegtay in astaanta caanka ah ee Taj Mahal oo la dhisay qarnigii 17aad ay iskubadelaysa midabada jaalaha, casaan iyo cagaar.

Waxaa la sheegay in isbedaladan ay sababen hawada oo wasakhaysan, dhismooyinka laga dhisaya agagaarka qasriga iyo cayayaanka.

Justices Madan Lokur iyo Deepak Gupta ayaa baaray sawirada laga qaaday dhismaha waxayna u gudbiyeen dadka u ololeeya arrimaha deeganka, iyagoo dowladda ku amray inay khubara u raadiyen arrintan.

Dowladda ayaa horaan u xirtay kumanan warshada ah oo laga furay agagaarka Taj Mahal, balse dadka u ololeeya arrimaha bini'aadamka ayaa sheegaya in dhagaxyada aadka u adag ee lagu dhisay qasrigan ay dhalaalka ka dhammanayaan.

Taj Mahal ayaa waxa dhisay boqorka Mughal ee Shah Jahan ,hadda waa xarunta ugu dalxiiska badan adduunka ,iyadoo ay maalintii soo booqdan dad gaaraya 70 kun oo qof.

Lahaanshaha sawirka ARCHAEOLOGICAL SURVEY OF INDIA
Image caption Wasakhda cayayaanka

Ma ahan markii ugu horreysay ee wasakhdan oo kale lagu arko qasriga ,iyadoo muddo laga jooga 20 sano ay wax yeelo soo gaaren dhagaxyada lagu dhisay mar la doonayay in la nadiifiyo .Waxaa jira cabsi laga qaba in dhibatadan ay sii weynaato.

Howlgalka lagu doonayo in lagu nadiifiyo dhismahan ayaa laga yaaba inay qaadato ilaa dhamaadka sanadkan.

Waxaa lagu wadaa in la dhageysto dacwad kale oo ku aadan arrintan bisha May.

Mowduucyada la xiriira