Xaaladda Suxufiyiinta caalamka oo laga dayrinayo

Saxafiyiin badan ayaa la bartilmaameedsaday Lahaanshaha sawirka ABBAS MOMANI/AFP
Image caption Saxafiyiin badan ayaa la bartilmaameedsaday

Ilaa 900 oo hay'ado iyo ururro isugu jira oo dunida oo dhan ka hawlgala ayaa saxiixay mucaahado gaar ah, taasoo lagu iftiiminayo wax ay ugu yeereen dib u simbiriirixashada xorriyadda hadalka.

Ergooyin xusaya 25 guurada maalinta xorriyadda warbaahinta oo ka qayb galay shirweyne ay Qaramada Midoobay ku qabatay Ghana ayaa sheegaya in uu jiro sare u kac xagga weerarrada loo gaysto saxafiyiinta iyo bahdil ay ku sameeyaan xukuumado aan dulqaad lahayn.

Image caption _

Shaqaalaha xarunta dhexe ee BBC ee London ayaa isugu soo uruuraya London, si ay u taageeraan qaar ka mid ah shaqaalaha laanta afka Beershiyaanka oo su'aalo iyo caddibaad kala kulmaya maamulayaasha Iiraan.

Image caption _

In ka badan 2500 oo saxafi ayaa la dilay tan iyo 1990 sida ay sheegayaan ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda.

Image caption _

Isniintii aan soo dhaafnay waxay ka mid ahayd maalmihii ay saxafiyiintu ugu dhimashada badnaayeen, ayadoo 10 saxafi lagu dilay laba weerar oo ka dhacay Afghanistan.

Mid ka mid ah saxifiyiintaas wuxuu ahaa Axmed Shah oo u shaqaynayey BBC. Laban in oo mooto saaran ayaa toogasho ku dilay.

Dilalkan ugu dambeeyey ayaa tirada guud ee saxafiyiinta sannadkan oo kaliya la dilay ka dhigaya 32 sida laga soo xigtay xiriirka caalamiga ee saxafiyiinta.

Image caption _

Hay'adaha u dooda xorriyatul qowlka ayaa iyagana sheegaya in dilka xarigga, iyo cagajugleynta saxafiyiinta uu weli yahay mid aan waxba laga qaban.

Hay'adda Amnesty International ayaa Turkiga ku tilmaantay dalka ugu horreeya dhinaca xarigga lo gaysto suxufiyiinta.