Dufaanno Boodh wato oo ku dhawaad 100 qof ku dilay dalka India.

Guriyaha dumay waxaa ku dhintay dad badan Lahaanshaha sawirka LAXMIKANT PACHOURI
Image caption Guriyaha dumay waxaa ku dhintay dad badan
In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay tuulada Village Lahaanshaha sawirka LAXMIKANT PACHOURI
Image caption In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay tuulada Village

Ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhimatay dad badan waa ay ku dhaawacmeen duufaanno xoog badan oo boodh wata marki ay ku dhufteen Paradesh iyo Rajasthan ee waqooyiga India.

Duufaantu waxay gebi ahaanba jartay korontadi, geedahana waxay u siibtay xididdada, waxay burburisay guriyo waxaana ku leeday xoola badan.

Dadka intooda badan ku dhintay waxay ahaayeen dad guriyahooda hurday oo ay guriyaha ku dumeen mugdigi leydh la'aanta ka dhashayna meel ay ka baxaan waayey.

Duufaannada boodhka wata xilliyada xagaaga waxay caadi ka yihiin waqooyiga India balse weli dad intaa dhan waxyeello horay ugama soo gaadhin.

Gobolka uttar Paradesh waxaa ku dhintay 64 qof, iyada oo 43 qof oo ka mid ah ay ku dhinteen Degmada Agra oo ah halka uu ku yaallo dhismaha taariikhiga ee Tajmahal, iyada oo ay saraakiisha dalkaasina sheegeen tirada dhimashada dadka iney sii kordhi karto.

Geedaha soo dhacay iyo guriyaha dumay waxaa ku dhintay dad badan.

Wasiir gobolkaasi ka tirsan oo la yidhahdo Yogi Aditiyanath ayaa wuxuu amar ku bixiyey in la billaabay gargaar bani aadaminimo.

Commisionerka gargaarka Sanjay Kumar ayaa wuxuu sheegay dowladda gobolka iney heshay "xogta dadka ay waxyeellada soo gaartay oo faahfaahsan" degmooyinka ugu sii daran.

Sida oo kale duufaantu waxay saameysay degmooyinka deriska la ah Rajasthan- sida Alwar, Bharatpur iyo Dholpur iyaga oo ay degmooyinkaasi ku dhinteen 31 qof, iyada oo uu dhibku ugu sii badan yahay degmada Alwar waxaana la xidhay dugsiyadi ku yaallay dhammaan degmooyinka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tiirasha iyo xarkaha korontada waxay yaalliin dhulka
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka dhintay badankood iyaga oo hurda ayay guriyahooda ku dumeen

Waxayna dowladda gobolka ay masiibada ku habsatay ay shaaca ka qaadeen qoysaska ay waxyeellada soo gaartay magdhow ahaan loo siinayo 400,000 oo Rubbi.

Xoghayaha maamulka masiibooyinka ee gobolka Rajestan Hemant Gera wuxuu yiri "Anigu waxaan xafiiska joogay muddo 20 sana ah waana duufaanti ugu weyneyd ee abid na soo marto"

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Goobaha ay masiibadu ku habsatay

11-ka bisha April duufaan boodh wadata oo nagu dhufatay waxaa ku dhintay 19 qof waxayna dhacday maalin cad, halka ay duufaantan dhacday habeennimo iyada oo ay dadka hurdaan.

Koox gurmad ah ayaa ku howlan sidi ay u hagaajin lahaayeen xarkihi leydhka ee ay duufaantu goysay iyada oo ay 200 ilaa 300 oo tiir oo tiirasha korontada ay soo ridday.

Duufaanta sida oo kale waxay soo gaartay caasimadda Delhi oo 100 km (62 mile) u jirta goobaha ay masiibadu ku habsatay, iyada oo robab ma hiigaan ahna ay halkaasi ka da'een fiidnimadi arbacadi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duufaanta caasimadda Delhiina waa ay ku dhufatay

Mowduucyada la xiriira