Bankiga Adduunka oo $10 Bilyan ku horumarinaya waqooyi bari Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bankiga Adduunka oo $10 Malyan ku hormarinaya waqooyi bari Kenya

Waxaa magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya lagu daah furay qorshe uu Bankiga Adduunka lacag ku siinayo lix deegaan oo ka tirsan gobolkaasi.

Lacagtan ayaa loogu talo galay mashaariic horumarineed oo bulshada deegaannadaas ay ka faa`ideysan doonaan, iyadoo gobolka Waqooyi Bari Kenyana lagu tilmaamo gobollada ugu saboolsan dalka oo abaaro ba`an ay ka dhaceen.

Lacagtaas ayaa caddadkeeda lagu sheegay 100 Bilyan oo shilinka Kenya ah, taasoo u dhiganta 10 Malyan oo Doollar.

Maxamed Guuleed, waa agaasimaha guud ee hay`adda horumarinta gobolka. Wuxuu u warramay wariyaha BBC Faadumo Macallin oo wax ka waydiisay mashaariicda loogu talo-galay in laga hirgaliyo gobolka.