Kenya tiknoolajiyadda maku xalin kartaa arrimaha dhul boobka ?

Dadka ayaa qoraalo ku qora gidaarada guryahooda si ay uga hortagaan dadka dhulka booba
Image caption Dadka ayaa qoraalo ku qora gidaarada guryahooda si ay uga hortagaan dadka dhulka booba

Kenya waxa ay isu aragtaa in hormuud u tahay qaarada Afrika dhanka tiknoolajiyadda, waxayna xitaa isku naaneeseen "Silicon Savannah", waxayna hadda dowladda abuurtay guddi kasoo talo bixiya sidii loo isticmaali lahaa waxyaabihii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay tiknoolajiyadda sida aaladaha caaqilka ah iyo waxa loo yaqaano Blockchain .

"Waxaa na gafay casrigii internetka uu biloowday, waxaan bartanka uga dhacnay casrigii taleefoonada gacanta, hadda waxaan joognaa hirka Blockchain, waana qasab in aan kan qeyb ka noqonaa" ayuu yiri guddoomiyaha kooxdan Bitange Ndemo oo la hadlay BBC-da.

Blockchain waa hab casri ah oo lagu kaydin karo xog aad u tiro badan, taas oo dadka u sahlaysa in ay xaqiijin karaan ama baaran karaan wixii lagu kaydiyay.

Wasiirka isgaarsiinta Joseph Mucheru ayaa sheegay in barnaamijka Blockchain uu dowladda ka caawin doono in ay uga hortagto dhibka dhul boobka ah , islamarkaasna ku kaydiso diiwaanka dhulka iyo sida loo kala leeyahay.

Dhibaato badan ayaa ka jirta marka ay dadka dhulka kala iibsanayaan, waxayna dhibaato ka heysataa in ay xaqiijiyaan in dhulka yahay mid sharciyaysan, una sharciyaysan qofka ay ka iibsanayaan iyo in kale.

In qofka uu heysto waraaqda lahaanshaha dhulka micnaheedu ma ahan in uu isaga yahay kan leh dhulka, sababtoo ah burcad badan oo qaarkood dowladda ku jira ayaa ka shaqaysta arrimaha dhulka oo samaysta lahaanshiyo been abuur ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kuwani waa arday ka mudaaharaadayay markii la damcay in la iibsado dhulka iskuulkooda.

Sanadkii 2015-kii, Kenya waxa ay aragtay mudaaharaadkii ugu yaabka badnaa kadib markii carruur iskuul ka banaanbaxay isku day lagu doonayay in lagu dhoco dhul uu leeyahay iskuulkii ay dhiganayeen, iyada oo ay booliiska u isticmaaleen sunta dadka kaga ilmeeysiisa.

Waxa uu banaanbaxa horseeday in la sameeyo urur lagu magacaabo Shule Ni Yangu oo loogu ololeeyo dhulalka iskuulaadka, waxaana ka dhashay in 10 kun oo iskuul la siiyo warqada sabarloogada ama lahaanshaha dhulka, islamarkaasna deyr wanaagsan loo dhiso illaa 5,000 iskuul.

Sargaal sare oo ka shaqeeya guddiga dhulka Kenya ayaa kula taliyay xarumaha dowladda in ay qaataan waraaqaha lahaanshaha, sidoo kalena ay deyr fiican dhistaan.

Haddii diiwaanka xogta dhulka la galiyo Blockchain waxa ay xaqiijin kartaa in qofka dhulka uu gadanayo ama gatay ay mulkiyadda waafaqsantahay waxa dowladda u diiwaangashan.

Dhanka kale waxaa jira dadaalo la doonayo in lagu diiwaangaliyo dadka beeralayda ah ama ka shaqeeya beeraha, xogtoodana lagu kaydiyo Blockchain, si ay u heli karaan deymaha ay ka doonayaan shirkadaha iyo bangiyada.

Tiknoolajiyadda shaqooyin ma u abuuri kartaa dadka Kenya?

  • Tirada dadka waa 49 milyan qofl
  • 20% waa dhalinyaro u dhaxaysa 15 illaa 24 jir
  • Hal milyan oo da' yar ah ayaa sanadkasta kusoo biirta suuqa shaqada
  • 83% ee 13-ka milyan ee dadka shaqeeya waxay ka shaqeeyaan ganacsiyada aan nidaamsanayn
  • Heerka shaqo la'aanta waa 7% boqolkiiba
  • $5 bilyan oo doolar ayaa lagu maalgaliyay xagga tiknoolajiyadda.

Isha Xogta: World Bank, KNBS, ICT Board

Balse horumarkan la hiigsanayo waxa uu leeyahay dhinac kale oo laga walwal qabo, kaas oo ah dhawrsanaanta xogta shaqsiga ah, iyada oo marka dadka meeshaas lagu keydiyo xogtooda si sahlan loo heli karo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 83% ee 13-ka milyan ee dadka shaqeeya waxay ka shaqeeyaan ganacsiyada aan nidaamsanayn

Mr Mucheru oo iska casilay shirkadda Google ka hor inta uusan golaha wasiirada galin ayaa sheegay in la'aanta sharciyo wax xakameeya ay ka dhigantahay in ay jiraan fursado muhiim ah.

Lahaanshaha sawirka The Star
Image caption Kaalimaha shidaalka wali waxaa ka shaqeeya dadka, halka kumbuyuutaro ay kala wadi lahaayeen

Meelo kale oo Afrika ka mid ah , sida Koonfur Afrika oo kale waxaa barnaamijka Blockchain loo isticmaalayaa aalad lagula dagaalamo musuqa.

Shirkadda De Beers ee dahabka soo saarta ee Koonfur Afrika ayaa soo jeedisay in ay xogta dheemanka ku kaydiso Blockchain si looga foojignaado dheemanka laga keenay meelaha ay dagaalada ka jiraan ee laga yaabo in sidii loo heli lahaa dhibaato bini'aadanimo loosoo geystay.

Balse waxaa jirta halis ah in burcadda internetka ay jabsan karaan waxa ku kaydsan internetka.

Xeeldheere xagga tiknoolajiyada oo lagu magacaabo Kai Stinchcombe ayaa yiri "Waa run in ay adagtahay in wax laga badalo xogta ku kaydsan Blockchain, balse waxaa sidoo kale been ah in Blockchain uu yahay mid wanaagsan oo lagu kaydiyo xog aan la jabsan karin".

Sidaasi oo ay tahay waxaa soo kordhaya suuqa iyo wax soo saarka aaladaha casriga ee gudaha Kenya, tusaale waxaa lasoo saaray aalad lagu magacaabo Mobitill oo lagu rakibayo gaadiidka dadweynaha ee Matatu loo yaqaano, kaas oo xisaabinaya dadka raacay gaadiidka, meelaha ay ku degteen, iyo xogaha ceynkaas ah, balse wali ma jiraan injineero ku filan oo dabooli kara qalabka badan ee loo baahanyahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qalab cusub oo Mobitill lagu magacaabo ayaa lasoo saaray oo loo isticmaalayo gaadiidka dadweynaha

Hibbooyinka cusub ayaa loo baahanyahay in ay abuuraan kumanaan kun oo shaqooyin ah kadib marka la dhamaystiro mashruuc ay ku kacayso $5 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo magaalo cusub oo lagu magacaabo Konza City, taasoo qeyb ka ah hiigsiga Kenya ee 2030-ka.

Waxay ku fadhidaa magaalada 5,000 acres, wuxuuna ujeedka yahay in ay saldhig u noqoto hibbada wax soo saar ee dadka ee xagga tiknoolajiyadda. Haddii qorshahan uu hirgalo, Kenya waxa ay ka dhabaynaysaa magaca "Silicon Savannah".

Mowduucyada la xiriira