Shidaal baarista deegaanada Somaliland oo gebogebo mareysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo sheegtay in la soo gabagabeeyay sahanka shidaalka gobolladeeda

Iyadoo gobolka saaxil ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland uu ka socdo sahan dhinaca shidaalka ah oo ay waddo sharikad Shiinaha laga leeyahay ayaa wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta ee Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal wuxuu shaaca ka qaaday in haatan ay soo idlaatay sahminta shidaalka ee dhamaan gobollada Somaliland oo socday dhowrlkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ceelkii ugu horeeyay ee batrool ah laga qodi doono Somaliland sanaadka soo socda ee 2019 .

Wasiirka ayaa haddaba arrimahaasi uga warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.