Shiinaha iyo Soomaaliya oo yeelanaya xiriir dhanka warbaahinta ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shiinaha iyo Soomaaliya oo yeelanaya xiriir dhanka warbaahinta ah

Koox ka socoto warbaahinta madaxa banaan iyo kuwa u shaqeeyo dowlada Soomaaliya oo uu horkacayo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaaifnta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya ayaa waxa ay booqasho rasmi ah ku joogaan dalka Shiinaha, halkaasi oo ay u joogaan barnaamij loogu magacdaray isdhexgalka warbaahinta labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Barnaamjikaa ayaa ujeedadiisu la sheegay inay tahay in labada bulsho ee Soomaaliya iyo Shiinaha xogaha loogu gudbiyo iyada oo sare loo qaadayo xiriirka warbaahineed ee soo jireenka ah.

Haddaba agaasimaha wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya Cabdirahman Yusuf Alcadala ayaa socdaalkooda Shiinaha uga waramay weriyaha BBC-da Fardowsa Maxamed Cilmi.