'Waxaan goob joog u ahaa 300 oo qof oo xukunno dil ah lagu fuliyay'

Lyons waxay sheegtay inay goob joog u ahayd qoorgoynta boqolaal qof dalka Mareykanka Lahaanshaha sawirka BBC News
Image caption Lyons waxay sheegtay inay goob joog u ahayd dilka boqolaal qof dalka Mareykanka

Gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa ah gobolka ugu badan ee laga fuliyo xukunka dilka ah , mid kamid ah shaqaale ka howlgalaysay goobaha lagu fuliyo xukunnadaasi ayaa sheegtay inay goob joog u ahayd dhacdooyin boqolaal lagu dilay.

Michelle Lyons muddo 12 sano ah waxay ka howlgalaysay wargays, kaddibna waxay u wareegtay waaxda la dagaalanka dambiyada ee Texas halkaasoo ay shaqadeedu noqotay in maalin kasta ay goob joog ka noqoto goobta lagu fulinayo xukunka dilka ah.

Intii u dhexeeysay sanadkii 2000 iyo 2012-kii ayaa Lyon waxay eegaysay 300 qof oo isugu jira haween iyo ragba oo lagu fulinayo dil.

Lyon waxay ahayd markii ugu horreysay ay goob joog u noqoto dadka la dilayo iyadoo ay jirto 22 sano, waxaana dilkaasi lagu fulinayay Javier Cruz.

Waxayna jornaalkeeda kusoo qortay " waxba uma arko dilkan inaan goob joog u ahaado balse dadka qaar markooda ugu horreyso way ka naxaan.

Lyon waxay tiri " in aan goob joog ka ahaado xukunka dilalka waa shaqadayda"

Lyon Michelle waxay ka dhawaajisay inay markasta u ololayn jirtay sharciga dilka islamarkaasana uu yahay tallaabooyinka lagu la tacaalo dambiyada, sababtoo ah ayay tiri ' waan yaraa, geesina waan ahaa, wax kasta ma ii kala caddayn'

Illa sanadkii 1924-tii xukunka dilka ayaa laga fulin jiray koonfurta gobolka Texas gaar ahaan magaalada Huntsville, waxaana ku yaallay toddobo xabsi oo leh qolal lagu fuliyo dilalkan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Huntsville waa goobta lagu fuliyo xukunnada dilka

Sandkii 1972-dii maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa hakisay fulinta xukunnada dilka oo ay ku tilmaantay ciqaab aan caadi ahayn oo adag balse billooyin kaddib gobollada qaar ayaa billaabay inay dib u qoraan sharciyo lagu soo celinayo xukunka dilka.

Gobolka Texas ayaa wax ka yar laba sano xukunkaasi ka dib soo celiyay fulinta dilalka.

Sandkii 1982-tii, Charlie Brooks ayaa noqday dambiilhii ugu horreeyay ee lagu fuliyo dilkan.

Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya

Maraykanka oo dad u xirxiray rabshaddii booqashadii Erdogan

Sanadkii 2000-dii gobolka Texas wuxuu dil ku fuliyay 40 qof taaso noqotay markii ugu horreysay ee gobal ka tirsan Mareykanka sanad gudahiisa lagu fyliyo dilal intaa dhan.

Lyons ayaa markii horreysay noqotay wariye kasoo warranto xabsiga Huntsville ee xukunnada dilka laga fuliyo, waxayna sheegtay in 38 qof ay goob joog u ahayd dilkooda taaso noqotay in shaqadeeda rasmiga ah ay halkaasi uga billaabatay.

Shaqo fudud uma ahayn Lyons, balse markii ay ku biiraysay waaxda warbaahinta ee xabsiga sanadkii 2000 shaqadeedu waxay noqotay mid dhibaateeda leh.

Hadda Lyons, dhacdooyinkii ku soo maray intii ay shaqaale ka ahayd xabsiga Huntsville ugama shakaynaysa oo kaliya ah dadka gobolkaasi ku dhaqan balse waxa ka go'an inay la wadaagto dunida oo idil.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waa goobta lagu seexiyo dadka ka hor inta aan lagu fulinin xukunnada dilka

Lyons waxay ku tilmaantay hannaanka lagu dilayo dadka in la seexinayo taaso xannuun ku ahayd qoysaska dadkaasi.

Waxay ka dhawaajisay inay maqli jirtay sawaxanka dadka la dilayo islamarkaasna ay arki jirtay dadka oo taagnida ka dhacayo kaddibna halkaasi ku geeriyoonayo.

Lyons waxay waraaqo iyo eemeelo ka heli jirtay dad ku kala nool daafaha dunida oo lagu cambaaraynayo shaqadeeda ah inay ka qayb qaadanayso dil ay dowladda maalgelisay, mararka qaarna, warqad ayay dib ugu qori jirtay dadkaasi oo ay ku leedahay 'joojiya qaylidiina, shaqadiinnana ma ahaan arrintaasi'

Lyons Michelle waxay sheegtay inay oysay illa gurigeeda markii la dilayay inan 17-sano jir ahaa sanadkii 2002-dii.

Waxayna sheegtay in markii ay uur qaaday sanadkii 2004-tii ay dareentay naxdin iyo argagax.

Mowduucyada la xiriira