Maxkamadda ugu sarreysa Hindiya oo amar ka soo saartay kufsi iyo dil loo geystay gabar siddeed sano jir ahayd

India rape Lahaanshaha sawirka AFP

Maxkamadda ugu sarreysa Hindiya ayaa amartay in maxkamadeynta siddeedda nin ee lagu eedeeyay inay kufsi iyo dil u geysteen gabar siddeed sano jir ahayd, laga wareejiyo gobolka Jammu iyo Kashmir loona wareejiyo gobolka deriska la ah ee Punjab.

Sida uu kufsigu u dhacay iyo wixii laga damacsanaa ayaa ahaa wixii ka yaabay dadka Hindiya.

Booliiska ayaa sheegay in gabadhan siddeed sano jirka ahayd oo ka soo jeedda qoys Muslim ah oo reer miyi ah, ay kufsadeen, oo dhulka ay ku jiideen kaddibna ay dileen koox Hinduu ah oo doonayay in qabiilka gabadhaasi ay ka soo jeeddo ay ka guuraan dhulkooda.

Siddeed nin oo dhamaantood Hindu ah ayaa ilaa iyo haatan loo xiray falkaasi.

Nin Hindiya caan ka ah oo lagu helay kufsi

Caro ka dhalatay kufsi iyo dil la isugu daray gabadh 8 jir ah

Jammu iyo Kashmir ayaa ah gobol ay ku badan yihiin Muslimiinta, dadka Hinduuga ah ee ku nool tuulada uu kufsigu ka dhacay ayaa aaminsan in si caddaalad darro ah loo beegsado.

Waxay dalbadeen in baaritaan heer federaal ah lagu sameeyo dembiga, sababtoo ah waxay sheegayaan inaysan ku kalsooneyn maamulka gobolka.

Dhanka kale, qoyska gabadha ayaa codsaday in maxkamadeynta laga wareejiyo gobolka sababo la xiriira kala qyabsanaanta ka jirta halkaas kaddib dhacadaadsi.

Mowduucyada la xiriira