Google oo sharci cusub kasoo saartay iidhehyada doorashada Maraykanka

. Lahaanshaha sawirka PA

Wixii hadda ka dambeeya, qofka Google ku xayaysiisanaya olole ku saabsan doorashooyinka Maraykanka waa in uu keenaa caddayn ku saabsan in uu yahay muwaadhin Maraykan ah ama uu yahay qof heysta degenaansho rasmi ah.

Dalabkan waxa uu qeyb ka yahay isbadal lagu sameeyay shuruudaha xayaysiinta Google kadib markii ay soo baxeen sheegashooyin ku saabsan in dowladda shisheeye ay isticmaaleen adeegyada shabakada si loo doorto musharax ay hoosta kala jireen.

Shuruudaha kale ee cusub ayaa waxaa ka mid ah in dadka ay sheegaan qofka bixiyay lacagta xayaysiinta ku baxday.

Shabakadaha baraha bulshada intooda badan ayaa isbadal ku sameeyay shuruudahooda, kadib markii ay soo baxday in Ruushka ay dacaayad u adeegsadeen adeegyada ay bixiyaan.

Waxaa ka mid ah shabakadaha Facebook, iyo Twitter.

Kent Walker oo ah madax ku xigeenka Google. Ayaa sheegay in balanqaadyadii ay sameeyeen sanadkii 2017-kii ay kasoo baxeen. Waxa uu intaas ku daray in loo baahanyahay hufnaan xagga doorashooyinka ah.

Waxaa kale oo ay Google samaysay in ay meel ku kaydiso xogta dadka xayaysiinada siyaasadeed sameeyay si dadka cilmi-baarayaasha madaxa banaan ay daraasad ugu samayn karaan markii ay doonaan.

Bisha Novembar ee sanadkan 2018-ka ayaa la qaban doonaa doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka, taas oo ay ka qeybgali doonaan boqolaal siyaasiyiin Maraykanka u dhashay.

Mowduucyada la xiriira