Zambia: Maktabad u digtay gabdhaha ardayda ah ee jirkooda qayb soo qaawiya

Zambia Lahaanshaha sawirka DIKINA MUZEYA
Image caption Ardayad Dikina Muzeya ayaa ugu baaqday wiilasha ardayda ah inay diiradda saaraan waxbarashada

Mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn Zambia ayaa ugu baaqday gabdhaha ardayda ah inaysan gelin maktabadda iyaga oo jirkoodu uu qayb qaawan yahay, sababtoo ah waxay taasi mashquulineysaa wiilasha.

Jaamacadda Zambia - oo ku taalla caasimadda, Lusaka - ayaa maktabaddeeda ku dhejisay ogeysiisyo gabdhaha loogu sheegayo inay si qumman u lebistaan.

Dalkaasi ku yaalla koofurta Afrika ayaa ah mid aad u dhowra dhaqanka.

Balse ardayda jaamacadda ayaa ka hela inay si casri ah u lebistaan, sida uu sheegayo weriyaha BBC-da ee Zambi Kennedy Gondwe.

"Waxaan ka war helnay in qaar ka mid ah gabdhaha ardayda ah ay qaataan dhar gaaban oo jirkooda qayb muujinaya marka ay galayaan maktabadda, tan oo ah mid ay dhib ku qabaan wiilasha ardayda ah," waxaa sidaa lagu qoray ogeysiiska lagu xardhay maktabadda.

"Waxaan sidaa daraaddeed kula talineynaa gabdhaha ardayda ah inay si hagaagsan u lebistaan marka ay jaamacadda joogaan."

'Eeg buugaagta, ee ha eegin lugaha '

Qaar ka mid ah gabdhaha ardayda ah ayaa ka soo horjeestay amarkaas.

"Haddii ujeeddadaada aadidda maktabadda ay tahay inaad waxbarato, maxaad u eegeysaa waxyaabo kale sida lugaha gabdhaha?" waxaa sidaa BBC u sheegtay Dikina Muzeya oo ah ardayad sanadka saddexaad ku jirta.

"Buugaagtaada uun diiradda saar, waa intaas," ayay tiri.

Lahaanshaha sawirka DIKINA MUZEYA

Si kastaba, wiilkan ardayga ah, Killion Phiri ayaa tallaabadaas taageeray.

"Waad garan kartaa sida uu soo jiidasho u leeyahay jirka haweenka," ayuu u sheegay BBC.

"Sidee baad waxbarashada diiradda u saari kartaa marka ay soo gasho gabar xiran goonno gaaban amaba dhar ku dheggan? Waxaad bilaabeysaa inaad waxyaabo kale ka fekerto waxna ma baran kartid."

Mowduucyada la xiriira