Hogaamiyihii horkacayay dibadbaxyada Armenia oo rai'sul wasaare loo doortay

Nikol Pashinyan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nikol Pashinyan

Baarlamaanka dalka Armenia ayaa hogaamiyha mucaaradka ee dalkaasi Nikol Pashinyan, u doortay in uu noqdo ra'isul wasaaraha dalkaasi.

Waxa uu helay codad ku filan ka dib markii xubnaha xisbigii talada hayay ee Jamhuuriga ay go'aansadeen in musharaxnimadiisa ay taageeraan.

Mr Pashinyan, oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay baarlamaanka ayaa balanqaaday in uu cirib tiri doono musuqmaasuqa iyo ku shubashada doorashooyiinka.

Kumannaan ah taageerayaasha Mr Pashinyan ayaa isu soo baxay fagaaro wayn oo ku yaalla caasimada dalkaasi ee Yervan si ay shaashadaha ugala socdaan doodda baarlamaanka.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa xirnaa funaanado uu ku dhagan yahay sawirka Mr Pashinyan.

  1. Hogaamiyaha mucaaradka Armenia oo ku baaqay dibadbaxyo cusub
  2. Dadka Armenia oo u damaashaaday iscasilaadda Ra'iisulwasaaraha
  3. Cayaaraha saaxiibtinimo ee Qarammada

Nikol Pashinyan ayaa horkacayay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda dalkaasi kaasi oo dalkaasi ka socday muddo toddobaadyo ah.

Ka dib dibadbaxyadaasi ayaa xisbiga jamhuuriga ee dalkaasi waxa ay sheegeen in ay taageerayaan mr Pashinyan in uu noqdo rai'sul wasaaraha dalkaasi.

Dadka dibadbaxa dhigayay ee dalkaasi ayaa ka carooday isbadal lagu sameeyay dastuurka dalkaasi, taasi oo keentay in awooda laga wareejiyo madaxweynaha dalka, loona weeciyo raysal wasaaraha.

Isbadalkaasi lagu sameeyay dastuurka Armenia ayaa waxaa ansixiyay raysal wasaarahii xilka ka dagay Serzh Sargsyan.

Mowduucyada la xiriira