Cudurka Ebola oo ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Cudurka Ebola oo ka dillaacay JD Kongo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cudurka Ebola oo ka dillaacay JD Kongo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo ayaa ku dhawaaqday inuu cudurka Ebola ka dillaacay waqooyiga galbeed ee dalka.

Wasiirka caafimaadka ee dalkaasi ayaa wuxuu sheegay iney cudurka ilaa iyo hadda 17 qof ay ugu dhinteen magaalada Bikoro ee gobolka Equateur.

Waxaana la hayaa ayuu yiri 21 qof oo looga shakiyey inuu cudurka hayo.

Koox takhaatiir ah oo baadhitaan ku sameeysay shan ka mid ah dadkaasi looga shakiyey inuu cudurka hayo ayaa lagu ogaaday inuu hayo faayraska keena cudurka Ebola.

Hay'adda caafimaadka adduunka ayaa iyaduna sheegtay koox khubara ah iney soo dirtay ayna ku soo wajahan yihiin goobaha cudurka uu ka dillaacay si la dagaallanka cudurka la isaga kaashado baaritaanno dheeraad ahna looga sameeyo.

Tani iyo 1976 waa marki lixaad uu cudurka Eboolaha uu ka dillaaco Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo.

Cudurka Ebola ayaa la aaminsan yahay inuu si xowli ah uu u faafo dadkuna ay ka qaadaan hilibka fiidmeerta ee dlkaasi Kongo si weyn looga cuno.

Mowduucyada la xiriira