Hoggaamiyihii hore gobolka Catalonia oo soo magacaabay musharrax madaxweyne

Puigdemont wuxuu musharrax madaxweyne usoo xulay Quim Torra Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Puigdemont wuxuu musharrax madaxweyne usoo xulay Quim Torra.

Hoggaamiyihii hore ee gobolka Catalonia Carlos Puigdemont ayaa soo magacaabay nin siyaasadda ku cusub oo u tartami doono doorsahada madaxtinimo ee gobolkaasi.

Muuqaal uu shaaca ka qaaday ninkan dibad jooga ah ayaa magaalada Berlin ka sheegay in Quim Torra uu yahay musharrax madaxtinimo.

Torra ayaa xildhibaanadii ka tirsanaa xisbigii madaxbannaani doonka ee Catalonia.

Dowladda Spain ayaa sanadkii 2017-kii sharci darro ku tilmaantay aftidii uu gobolka Catalonia ugu codeeyay inay ka go'aan Spain inteeda kale.

Kaddib markii xukunka deg deg ah lagu soo rogay gobolkaasi, Puigdemont iyo xubna sare oo ka tirsanaa dawladdiisa ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay halka kuwo kalena ay dalka ka carareen.

Doorasho ayaa ka dhacday gobolkaasi bishii Disembar sanadkii 2017-kii, xisbiga uu hoggaamiyo Carlos ayaa si dirqi ah ugu guulaystay doorashadaasi.

Hogaamiyihii Catalonia oo Madrid ugu baaqay wadahal

Midowga Yurub oo sheegay in aysan faragalin doonin muranka Catalonia

Carles Puigdemont: Ninka doonaya inay Spain inteeda kale ka go'aan

Illa iyo hadda, musharraxiinta ay soo xuleen axsaabta gobolka Catalonia ma tegi karaan goobaha doorshada, waxaana lagu eedeeyay dambiyo mucaaradnimo iyo inay ku lug lahaayeen aftidii bishii Oktoobar halkaasi ka dhacday.

Torra ayaa agaasime ka ahaan jiray shirkad caymis ah ka hor inta uusan kusoo biirin siyaasadda.

Mowduucyada la xiriira