Kenya oo markii ugu horreysay hawada u dirtay dayax gacmeed

Waa dadkii daawanayay munaasabadda xariga looga jarayay Dayax gacmeedka Kenya.
Image caption Waa dadkii daawanayay munaasabadda xariga looga jarayay Dayax gacmeedka Kenya.

Dad ayaa isugu soo uruuray jaamacadda Nairobi si ay u daawadaan munaasabad dalka Japan ka dhacaysay oo xarigga looga jarayay dayax gacmeed maxalli ah oo lagu sameeyay gudaha kenya.

Saaynisyahano Kenyan ah, khuburro ka socotay dalka Japan, ardey iyo marti kale ayaa ku sugnaa jaamacadda oo maanta si toos ah u daawanayay tallaabadan taariikhiga u ah dalka kenya.

Dayaxgacmeedkan waxa uu ka duulay xarun ku taal Tokyo.

Samaynta dayax gacmeedkani waxaa Kenya ka caawisay dowladda Japan oo maalgelisay mashruuca, waxaana lagu sheegay baaxaddiisa 10 sentiimiitar oo afar gees ah.

Dowladda Japan ayaa bixisay 1 milyan oo doolar oo lagu sameeyay dayax gacmeedka balse waxaa gacanta ku haysay hagaajintiisa Kenya.

Dayax gacmeedkan ayaa Kenya ka caawin doona arrimaha beeraha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa xebeehda.

Waxaana dayax gacmeedkani oo loogu magacdaray Nano hawada u dirtay waaxda caalamiga ah ee JAXA ee dalka Japan sacaaddu markay ahayd 2-dii duhurnimo.

Waxa ay arrintani Kenya ka dhigaysaa inay ka mid noqoto 6 dal oo qaarada Afrika ku yaalla oo dayax gacmeed hawada sare u diray.

Mowduucyada la xiriira