Magaalada Qabri-daharre oo amniga ay la wareegeen ciidammada Federaalku
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Magaalada Qabri-daharre oo amniga ay la wareegeen ciidammada Federaalku

Maanta waxaa degan magaalada Qabri-daharre ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay amniga la wareegeen ciidammada Federalka.

Waxa ay ka dambesyay xiisad ka dhalatay gabar 18 jir ah oo qoyskeedu ay sheegeen in ay ku dhimatay saldhiga Booliska ee magaalada, qadar yar un kadib markii la xiray.

Rabshadihii ka dhashay warka ku saabsan geeridii gabadha ayaa dad badan loo xir xiray.

Cali Cabdulle Fiixiye, Cali Shucaac, oo gabadha dhimatay awowgeed ah kana mid ah odayaasha magaalada Qabri-daharre, ayaa sida ay wax u dhaceen waxa uu uga warramay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Dhanka kale, waxaannu isku daynay inaannu la xiriirno madaxda deegaankaasi hasayeeshee way inoo suurageli waysay.