Israa'iil oo laba jibbaareyso ciidamadeeda ka jooga xadka Qasa

Lahaanshaha sawirka Reuters

Israa'iil ayaa sheegtay in laba jibbaari doonto ciidamadeeda roondada ka sameeya xudduudda marinka Qasa iyo daanta galbeed si ay ula tacaalaan Falastiyiniinta dhigaya dibadbaxyada looga soo horjeedo furitaanka safaaradda Mareykanka ee Quddus.

Safaarradda Mareykanka ee Israa'iil ayaa lagu wadaa in berry oo Isniin ah laga furo magaalada Quddus oo horey Mareykanka uu ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.

Raritaanka safaaradda Mareykanka laga soo rarayo Telabib ayaa ku soo beegmeyso gabagabada toddobaadyo ay dibadbaxyo dhigayeen Falastiyiniinta kuwaasi oo looga soo horjeeda Israa'iil.

Kal hore, Israa'iil ayaa si kumeel gaar ah u xirtay marinka Kariim Shaluum ee looga tallaabo dhanka Qasa.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in dayactir lagu sameyn doono maadaama dibadbaxayaasha Falastiyiniintu ay burburiyeen.