Gabadha Trump iyo seeygeeda oo soo gaaray magaalada Quddus

. Lahaanshaha sawirka Reuters

Gabadha madaxweyne Trump Ivanka iyo seeygeeda Jared Kushner ayaa soo gaaray dalka Israel iyadoo isniinta berry ah magaalada Qudus laga furayo safaaradda cusub ee Mareykanaka.

Labaduba waxa ay ka tirsanyihiin la taliyeyaasha sare sare ee aqalka cad waxa ayna ka qeyb gali doonaan xafladda furitaanka safaaradda.

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu muuqaal video ah ugu qudbeeyo ka soo qeyb galayaasha xafladda.

Go'aanka uu Trump uga raraayo magaalada Tel Aviv safaaraddiisa ayaa ka careysiisay Falatiiniyiinta.

Qorshahan ayaa la soo dedejiyay sabatoo ah waxaa lagu soo beegayay sanadguuradii 70-naad ee ka soo wareegatay markii la aasaasy Israa'iil.

Iiraan oo ku eedeeysay Mareykanka in uu minja xaabinayo heshiiska Niyukleerka

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sababta Trump uu Israa'iil ugu sharciyayn la'yahay deegaameynta dhulka Falastiyiniinta

Israa'iil oo weerartay Marinka Qaza

Go'aanka Trump ayaa sidoo kale meesha ka saaray qarniyo badan oo uu Mareykanka dhex-dhexaad ka ahaa xaaladda Quddus.

Madaxweeynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas ayaa Go'aanka Mr Trump ku tilmaamay in uu yahay " dharbaaxidii qarniga".

Safaarad yar oo ku meel gaar ah ayaa laga dhex furi doono aqalka qunsuliyadda oo horay ugu sii yaalay magaalada Tel Aviv isniinta berry ah halka safaaradda weyn loo guuri doono marka ay dhamaan safaaradda oo dhan soo wada guurto.

Mowduucyada la xiriira