labo caruus oo maqalka la'a oo ku aqal galay magaalada Garissa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

labo caruus oo maqalka la'a oo ku aqal galay magaalada Garissa

Markanna sheeko xiisa badan, waa lamaane ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba gaar ahaan maqalka la' oo ku aqalgalay magaalada Gaarisa.

Inta la og yahay waa markii ugu horreysay oo uu guur noocan oo kale ah ka dhacaayo magaaladaai Gaarisa.

Dadka magaaladaasi ayaa arrintan ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo bogaadin mudan dhiirigelinna u noqonaysa dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Garissa Bashkas Jugsoodhacay ayaa arooska lamaanaha dhegaha la' ka qeybgalay kaddibna warbixintan aadka u macaan inooga soo diray.