Fanaanka 50 Cent oo difaacay R. Kelly

50 Cent (bidix) iyo R. Kelly, Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 50 Cent (bidix) iyo R. Kelly,

Fanaanka caanka ah ee lagu magacaabo 50 Cent ayaa difaacay fanaanka kale ee R. Kelly, ka dib markii barta laga dhagaysto Muusiga ee Spotify ay ku dhawaaqday in heesihiisa ay halkaasi ka saarayso.

"Barta Spotify way ku qaldan tahay waxa ay ku samaysay fanaaniinta sida R Kelly", waxa uu sidaasi ku qoray barta Tweeter-ka fanaanka qaada heesaha Raabka.

R. Kelly ayaa liiska laga saaray heesihiisa, ka dib markii lagu eedeeyay in marar badan uu gaystay falal tacadiyo dhanka galmada ah.

Fanaankan R. Kelly oo 51jir ah ayaa beeniyay eedaytaasi.

Fanaanka kale ee qaada heesaha raabka ee lagu magacaabo Xxxtentacion ayaa iminka dacwado ku wajahaya gobolka Florida.

Fanaankan ayaa beeniyay eedeeymaha loo haysto.

Labada fanaan ayaa heesahooda laga saari doonaa barta laga dhagaysto heesaha.

  1. Heesaaga 50 Cent oo hilmaamay malaayiin doolar oo meel u tiiley
  2. Xijaab ku xirashada Mareykan uu 'Trump maamulo'
  3. Dowladda Ruushka oo Dublamaasiyiin Mareykan ah dalkeeda ka ceyrisay

R. Kelly ayaa isagu ka jawaabay qoraalka fanaanka 50 Cent isaga oo yiri: "waad ku mahadsan tahay taageeradaada".

Fannaanka R Kelly ayaa dhawaanahan xuddun u ahaa ololaha #MuteRKelly oo ku baaqayay in fannaanka heesihiisa la mamnuuco, ka dib eedeeymo loo soo jeedinayay muddo sanado ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxa wepsitka Spotify Daniel Ek

Bayaanno dhowr ah oo uu soo saaray fanaankan R. Kelly ayaa lagu yiri "R. Kelly waligii laguma eedeeyn naceyb, isla markaana heesaha uu qoro waa kuwa ka turjumaya jacaylka.

"Mr Kelly ayaa muddo 30 sano ah qaadayay heeso uu ku muujinayo jaceylka uu u qabo haweenka", ayaa lagu yiri bayaanka.

Mowduucyada la xiriira