Maxaa laga yiri qodobbadii ka soo baxay shirka Baydhabo?

Madaxda maamul goboleedyada
Image caption Madaxda maamul goboleedyada

Shir shalay oo Arbaca ahayd magaalada Baydhabo ugu soo gabagaboobay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah.

Balse dadka Soomaalida ah ayaa aad u daneynayay waxa madaxdani ay ka yiraahdaan arrimaha muranka Khaliijka iyo wada shaqeynta maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Khilaafka khaliijka

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uusan wanagasanayn xiriirka maamul gobooledyada iyo dowladda dhexe iyo sidoo kale xiriirka dowladaha Khaliijka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkani wuxuu ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu socdaal ku joogay dalka Qadar oo uu khilaaf ba'an kala dhaxeeyo waddamo Khaliijka ka tirsan oo uu Sucuudiga hoggaamiyo, kuwaa oo xiriirka horey ugu jaray dalka Qadar oo ay ku eedeeyeen in uu argagixisada naas nuujiyo.

Haseyeeshee Qadar waa ay beenisay eedeymahaasi waxa ayna garabka saartay dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafkaasi balse inta badan maamul goboleedyada ayaa doonaya in Qadar xiriirka loo jaro oo dowladda Soomaaliya ay taageerto isbahaysiga Sucuudiga.

In kastoo dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan sheegin in ay dowladda Qadar garab u tahay, haddana maamul goboleedyada ayaa rumeysan in dowladda ay taageerto Qadar.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada.

"Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go'aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Qatar waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah madaxada maamul gobolyeeda ayaa dhawr jeer safarro ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo sababo la xiriira khilaafka Khaliijka u hakiyay tababarkii ciidamada Soomaaliya iyo isbitaalada qaar oo ay gacanta ku haysay.

Khilaafkii Khaliijka oo Soomaaliya ka soo labo kacleeyay

Hardanka ay dalalka gacanku ugu jiraan Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka Madaxtooyada Jubbaland
Image caption Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda djexe inay la safatay Qadar

War-murtiyeedka shirka Baydhabo ayaa laga dheehan karayay baaxadda khilaafka khaliijka ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya iyo sida maamul goboleedyada ay uga go'antahay in ay garab istaagaan dowlada Imaaraadka isla markaana ay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saaraan inay la safato dhinaca waddamada geeska geliyay dowladda Qadar.

Tusaale ahaan, war-murtiyeedka waxaa ku jiray qodob dhahaya "Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo waddamada isu taga Emaaraat-ka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga taas oo loo arko in dowladu dhinac la jirto, wayna caddahay in hadii uu khilaafkani sii socdo saameyn ku yeelan doonto xiriirka soo jireenka ah ee ganacsi, deegaan, dhaqaale iyo maaliyadeed ee saddexda dal iyo sadexda shacab wadaagaan.

Sidaas darted, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dowladda Federalka in ay ku shaqeyso dhankeeda hagaajinta xiriirka iyadoo la tixgalinayo danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed".

Lahaanshaha sawirka Madaxtooyada Soomaaliya
Image caption Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo mar uu ku sugnaa Cadaado

Siyaasadda gudaha

Golaha iskaashiga maamul-goboleedyada ayaa la aasaasay sanadkii 2017, xilli xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagnayd dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada. Aasaaska golahani ayaa loo arkayay mid ujeedadiisu tahay is garabeysi maamul goboleedyadu doonayaan in ay ku cadaadiyaan dowladda dhexe oo xilligaasi ay u arkayeen in ay wiiqeyso awooddooda.

Haddaba shirka Baydhabo wali waxaa laga dheehan karayaa sida maamul goboleedyadu ay uga biyo diidsan yihiin qaabka dowladda dhexe ay u gaarto go'aanada masiiriga ah sida arrimaha khuseeya siyaasadda gudaha.

"Sida uu qabo qodobka 53aad ee dastuurka, Dowlada Federalka waa in ay kala tashato Dowlad Goboleedyada arrimha saameynta ku yeelan kara danaha dadka dowlad goboleedyada si looga fogaado khilaaf siyasadeed,waana in go'aanada la qaadanayana ay noqdaan kuwo ku salaysan danta dadka iyo dalka", ayay ku yirahdeen madaxda maamul goboleedyada war-murtiyeedka ay ka soo saareen shirka Baydhabo.

Xoojinta xiriirka maamul goboleedyada

Sidoo kale shirku waxaa lagu lafa guray sidii maamul-goboleedyada ay u xoojin lahaayeen qaab dhismeedkooga, waxaana la dhameystiray qaab dhismeedkii golaha, iyadoo wasaaradaha dowlad goboleedka intii islehba oo isku shaqo ah loo sameeyey gudi hoosaadyo.

Arrintan ayaa sida lagu xusay war-murtiyeedka ka soo baxay shirkaasi waxa ay "wax weyn ka tari doonta xiriirka, wadashaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha heer dowlad goboleed".

Horumar dhanka federaalka

"Sidoo kale waxuu Goluhu soo dhaweeyey geeddi socodka wada xajoodka arrimaha Federalaynta ee u dhaxeeya labada heer dowladeed oo laga sameeyey hurumar wax ku ool ah sida habka doorashada iyo khayraad qaybsiga.

Maxaa laga yiri qodobbadii ka soo baxay shirka Baydhabo?

Qaar ka mid ah siyaasiinta dhaliishan dowladda dhexe ayaa durbadiiba la dhacay dhaliilaha ay madaxdanini u soo jeediyeen dowladda dhexe. Waxaana siyaasiintaasi ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu bulshada ku gaarsiinayo dhaliilaha loo soo jeediyay dowladda dhexe.

"Bayaanka ka soo baxay shirka dawlad goboleedyada wuxuu xanbarsaan yahay dhiilo culus oo u baahan in dawlada Federaalka ah ay dhegaha u furto''.

Wuxuu sheegay in dowlada ay fulin waysay heshiisyadii dhinaca Amniga ee horay loogu heshiiyey deeqigii Soomaaliya loogu talagalayna ay iyada soo dhaafi waayeen.

Waa fariin horudhac u ah ficil haddii aysan dawlada Federaalka falcelis togan ka qaadan", ayuu bartiisa Facebook ku qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdirashiid Xaashi oo ah agaasimaha hay'adda cilmibaarista ee Heritage ayaa sheegay inay waji gabax ku tahay dowladda federaalka in shan maamul ay dhinac uga soo jeestaan.

Si asluubieysan ayay u qoreen bayaanka laakiin waxay aad ugu dhax duugeen cabasho, dignniino iyo deyro ku saabsan xiriirka ay laleeyihiin dowaldda'' ayuu yiri Cabdirashiid.

Dowladda dhexe wali kama aysan hadal bayaankan shalay ka soo baxay maamul goboleedyada.