Anwar Ibraahim oo dadka Malaysia u bidhaamiyay waa’ cusub

Anwar Lahaanshaha sawirka Reuters

Hoggaamiyihii mucaaradka dalka Malaysia Anwar Ibraahim ayaa sheegay in Malaysia uu u baryay waa' cusub, wuxuuna hadlayay waxyar kadib markii xabsiga laga siidaayay.

Anwar oo isbahaysiga uu xisbigiisa ka tirsanyahay uu mar dhow ku guuleystay doorashooyin dhacay ayaa sheegay in uu taageersanyahay si buuxda Ra'isulwasaaraha cusub ee Malaysia Mahathir Maxamed.

Mar sii horeysay ayaa laga cafiyay xabsi uu muddo dheer ku jiray, dacwadaas oo la sheegay in ay ahayd mid siyaasadaysan.

Mahathir Maxamed ayaa boqorka dalkaas weeydiistay in uu Anwar ku siidaayo cafis boqortooyo, wuxuuna balan qaaday in uu xilka u banayn doono labo sano kadib.

Anwar waxa uu sheegay in uu Mahathir ka cafiyay waxyaabihii horey usoo dhexmaray, gaar ahaan markii uu ka ceyriyay xilka Ra'isulwasaare ku xigeenka, kuna soo oogay dacwado.

Isbitaal caasimadda ku yaala oo uu daweyn ku qaatay ayuu kasoo baxay Anwar, halkaas oo ay ku sugayeen taageerayaal faro badan.

Mowduucyada la xiriira